DEG DEG+XOG: Ammaanka Madaxtooyada Somalia oo si aad ah loo adkeeyay & Ciidamo badan oo la soo dhoobay..

Cabsi Ammaan darteed ayaa la soo sheegayaa in loo adkeeyay Ammaanka madaxtoooyada Soomaaliya oo maanta meel aan ka fogeyn weerar Qaraxyo iyo mid toos ah ku soo qaadeen Rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa Koofiyo Gadiid oo si gaar ah u qaabilsan Ammaanka madaxtooyada iyo Ciidamo AMISOM ayaa lagu arkayaa baraha Ciidan ee laga galo Madaxtooyada Soomaaliya.

Xittaa dadka ku dhow deegaanada Madaxtooyada ayaa si gaar ah loola socda oo su’aalo la weydiinayaa,waxaana xiran gabi ahaanba jidadka muhiimka ee ku dhow madaxtooyada.

Ciidamo dheeraad ah ayaa la soo dhigay goobtii maanta uu ka dhacay weerarka,waxaana wali xiran Wadada Ceelgaabta ee gasha Madaxtooyada Soomaaliya.

Laamaha Ammaanka wali sooma bandhigin khasaaraha Qaraxyada oo la sheegayo inuu aad u koobnaa,waxaana keliya la soo bandhigay saddex ruux oo la sheegay iney ahaayeen raggii hubeysnaa weerarka soo qaaday.

Weerarka maanta ayaa dhacay saacado uun ka dib markii ay gudbeen Kolonyo galbineysay madaxweynaha Soomaaliya oo ku sii jeeday Garoonka diyaaradaha oo uu kaga sii dhoofayay magaalada Brussels ee dalka Belgiumka.

Post Comment