DEG DEG: Warakii ugu danbeeyay Xaaladda Tukaraq & Mas’uul P/land la tusin karin oo maanta booqanaya

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tukaraq oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland ayaa sheegaya in ay degan tahay xaaladda jiidahaas, balse cabsi laga qabi karro dagaal toos ah oo dhinacyada ku dhexmara halkaas, waxaana welwelka ugu badan laga qabaa in ay dhinacyadu xili kasta dagaalami karaan.

Xubno kasocda Somaliland, gaar ahaana u dhashay Laascaanood oo uu hogaaminayo Cali Khaliif Galeyr ayaa lafilayaa in ay deeq maanta soo gaarsiiyaan ciidamada Somaliland ee kusugan Tukaraq, waxayna kulamo la yeelan doonaan saraakiisha Somaliland.

Warbaahinta waxay ogaatay in arrimaha taagan ka sokow ay jiraan khilaaf mudo taagan oo u dhaxeeya saraakiisha u dhalatay Sool ee kujira ciidamada Somaliland iyo kuwa laga keenay gobalada kale ee maamulkaas, kaas oo ka dhashay wixii ka dambeeyey markii ay dhinacyadu isku afgaran waayeen qaab dagaaleedka.

Taliyaha ciidamada Somaliland Nuux Taani Ismaaciil oo ka hadlayay magaalada Tukaraq doraad ayaa u sheegay Afhayeenka baarlamaanka Soomaliland Baashe Maxamed Faarax in looga baahan yahay siyaasiinta gobalka Sool, in ay taageero la garab istaagaan ciidamada.

Xaaladda Tukaraq ee dhanka dagaalka ayaa soo taagneyd 7dii bilood ee bilowga sannadkan, waxaana welwel weyn laga qabaa dagaal xili kasta dhici kara, iyadoo dhinaca Puntland ay mudo dheer ku jiraan diyaar garow dagaal oo kuwajahan guud ahaan gobalka Sool.

Hal Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “DEG DEG: Warakii ugu danbeeyay Xaaladda Tukaraq & Mas’uul P/land la tusin karin oo maanta booqanaya

  1. NUUX TAANI WUXU YIRI 20 SANO AYEY NAGU QAADATAY IN AANU TUKARAQ KU SOO GAADHNO AYAGO KA NIMI MAGAALADDA BURCO.

    MARKAAN DHEGEYSTAY WUXU SHEEGAAYEY AYAAN NIYADDA KA IRI WIXI KUGU QAATAY TWENTY YEARS IN AAD KU TIMAADID TUKARAQ WAXAAN KA BAQAYAA IN AY KUGU QAADATO 2 DAYS IN AAD KU NOQOTID MEESHI AAD KA TIMI EE BURCO. INKASTA UU ISAGU YAHAY REER TOG WAJAALE .

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada