DEG DEG: Somaliland Oo U Digtay Warbaahinta Gudaha & ineysan baahin karin wararka dagaalka Yukaraq

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Somaliland ayaa loogu digay warbaahinta ka hawlgasha Somaliland in aysan baahin Karin  warar aan ka soo bixin guddida nabadeynta ee Ceel-afweyn .

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Warbaahinta ka howlgasha Somaliland aysan tabin Karin xaaladda ka jirta deegaanka Tukaraq oo ay isku horfadhiyaan ciidamo ka kala tirsan Somaliland iyo Puntland.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Somaliland ayaa u qoran sidaan:

“siraha ciidammadu waxay ka mid yihiin waxyaabaha ka reeban saxaafaddu inay wax ka qorto ama ka tebiso fasax la’aan, waana mid ay ka siman yihiin warbaahinta dunidda oo dhan, waayo waxay  xeeriyaan shuruucda iyo anshaxa saxaafadda, waxayna iska ilaaliyaan   wax kasta oo la xidhiidha hawlaha ciidammada, waxaanay   baahiyaan kaliya wixii warar ah ee ka soo baxa talisyadooda.

Sidaas awgeed, waxaanu ku wargelinaynaa, kuna adkaynaynaa saxaafadda ka hawlgasha JSL inay ka waantoobaan  wax ka sheegga  hawlaha ciidammada siiba xaaladda dagaal ee ka taagan Tuka-raq ee ay isku horfadhiyaan   ciidanka qaranka iyo ka Soomaaliya.

Wararka kaliya ee laga tabin karaa jiidaas dagaalku ka taagan yahay ee Tuka-raq waa midka ka soo baxa taliska ciidanka ama xukuumadda, waxaana reebban in warar malo-awaal iyo kuwo laga soo xigtay meelo kale oo aan ahayn ilaha rasmiga ah laga sii daayo  guud ahaan warbaahinta dalka”.

8 thoughts on “DEG DEG: Somaliland Oo U Digtay Warbaahinta Gudaha & ineysan baahin karin wararka dagaalka Yukaraq

  1. Kkkk dagaalka TUKARAQ kuye, halkuu dagaalku jiraa maynagaa dagaalba aragn sxb.

    Sowkiwii Maryo Calastii Yaaa Daaroodaayda lagusoo ururiyay kala yaaceeen markii dhaqaaale la’aan baahsani ku dhacday BUDHLAYN siduu ina CAMAY lahaa Shalayyo.

    Dagaalka Internet ka & Facebook.com miyaad sheegaysaa?!

    🤓🤓🤓

    Reply
  2. somalilander

    hello. yaa indr halamashtii faan ku noolka ahayd sowtii musalaftay kkkkkkkk

    faan+ fulaynimo saa ida+musalaf = hanjabaad nacas

    caashaqiiba waxa dilay ninkiisiina ciil baday ………………………….

    Reply
  3. Balata m hassan

    Sorry indeed waan yara mashqulayee xaalka ka waran suldaan.

    Huh Halamash Faan & Fulaynimo Lagu Gaadhi Waaa…Warabaana Orod Lagu Gaadhi Waaa.

    Salaantiiii Duriyada Indr. mahadsanid. Alaa yaah cizaak! Yaa ehlu qureesh duriyadii dhab ta ahayd!

    Reply
  4. Caruur iyo masaakiin miyay noqotay in la isku mashquuliyo, meeday halkii loosoo dalxiis tegay ee TUKERAQ?

    Muddo aan ka yarayn 20 sano ayay lahaayeen waxaan qabsanaynaa magaalooyin, maantana si ay dib ugu gurtaan ayay la’yihiin, meee ciidankii BURMA loo diri lahaa, mee raggi yiri waxaan liqnay FAQASH, Faqasgtiiyoo sanka cirka u taagaysa oo biciid dhuuxii kusoo dhalaashatay ayaa waxay la’yihiin cid ay la hadlaan qaar yaryar oo miino lagu wareejin oo la yiri ilaa dib la idinku soo laabto halkaa jooga oo qaarkood waasheen iyo kuwo codkiiba ka go’ay ayaa meesha looga yaacay.

    kkk

    Reply

Post Comment