DEG DE+DHAGEYSO: Madaafiic & Hoobiyeyaal lagu garaacay fariisin ciidan & Jawaab culus oo laga bixiyay

Wararka ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in cutubyo ka tirsan ururka Al-shabab ay hoobiyaal is xig xiga la beegsadeen saldhig ay ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Kenya ku leeyihiin degmada Baardheere ee gobolkaasi Gedo.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in khasaare uu soo gaadhay askarta ciidamada Kenya hase yeeshee waxaa arrintaasi beeniyey masuuliyiinta gobolka Gedo kadib waraysi ay siiyeen.

Wararka kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay Hoobiyaasha ay rideen Al-Shabaab.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa ka jawaabay Madafiicfa kaga timid.

Halkaan Ku Qor Fikirkaada