DAAWO:Madaxweyne Farmaajo oo Booqday carta Dalka Jabuuti.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay shacabka Carta martigalintii ay u sameeyeen ergadii Soomaaliyeed ee ka qeyb qaadatay dhismaha dowladnimada Soomaaliya, wuxuuna sheegay in dadka Soomaaliyeed ay abaal weyn uga hayaan hiilka walaaltinimo ee ay dowladda iyo shacabka Jabuuti u fidiyeen walaalahooda Soomaaliyeed.

“Magaaladan waxay quluubta shacabka Soomaaliyeed uga taallaa meel wayn. Waa magaalo soo celisay rajadii shacabka Soomaaliyeed. Waa magaalo astaan u noqotay Soomaalinimo iyo deeqsinimo.”

“Waxaan guud ahaan reer Jabuuti iyo gaar ahaan reer Carta uga mahadcelinaynaa sidii niyadsamida lahayd ee ay shacabka Soomaaliyeed u garab istaageen xilli adduunyada oo idil ay kasii jeesatay.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa caawa ku hoyan magaalada Carta si uu kulamo gooni gooni ah ula yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada magaaladan.

Soo dhaweynta Madaxweynaha ee Carta waxaa ka qeyb qaatay Wasiiro ka tirsan Dowladda Jabuuti oo kala ah Wasiirka Difaaca Mudane Cali Xasan Bahdoon, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Xasan Cumar, Wasiirka Waxbarashada iyo Cilmi Baarista Mudane Mustafe Maxamed, Wasiirka Gaadiidka iyo Qalabeynta Mudane Maxamed Cabdulqaadir, Wasiirka Dhaqanka iyo Diinta Mudane Muumin Xasan Barre iyo Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Mudane Aadam Xasan Aadam (Beleloo).

3 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “DAAWO:Madaxweyne Farmaajo oo Booqday carta Dalka Jabuuti.

  1. ASC.
    Shirkii lagu qabtay magaalada Carta ee dalka Jabuuti waa la marin habaabiyey labo jeerba.Waxaana jahadii loola niyooday ka badalay Ismaaciil Cumar Geele.Ujeedada shiraakaasu waxay ahayd in soomaaliweeyn loo wada yeero oo nabad iyo heshiis loo raadiyo. Cabdullaahi Yuusuf oo markaas ahaa hogaamiyaha puntlaan iyo Ismaaciil Cumar Geele way ku heshiin waayeen sida ay soomaalidu uga soo qeybgalayso shirkaas.Waxay isku qilaafeen waxaa ka mida ahaa in uu Ismaaciil beesha USC ku yiri keensada 90 qof oo matalaysa deegananidiina.Meesha uu Daaroodna ku yiri saddex qof.Markaas buu Cabdullaahi Yuusuf wacay Ismaaciil oo uu ku yiri war macquul ma aha 3 qof ha mataleen Daarood oo dhan.Hawiyena 90 qof.Ismaaciil waxuu ku jawabay baa la yiri idinku waagii dawladiihii hore baad suubiseen dhulboob oo ad hawiye boobteen.Marka beelaha Darood nooma kala duwana Ismaaciil Cumar Geele iyo Caydiid.Waa noo labo cadaw.
    Qaladka labaad ee uu Ismaaciil ka raali noqday ayadoo lagu heshiiyey in caasumad ku meel gaar ah dawlada cusub lageeyo magaalada baydhabo buu Cabdiqaasim Salaad oo loo doortay madaxweyne uu xamar la aaday dawladii.Xamar hala aadee gurigiisii buu iska fariistay oo dhaqaalaha lagu bixiyo magaca soomaaliweeyn uu isagau u isticmaali jirey sidii wax uu isagu mulki u leeyahay.Halkaas buu Cabdiqasim ku dhammeeyey afar sano.Cabdiqaasim meeshuu soomaaliweeyn wax u qaban lahaa beeshiisa Cayr buu soo u raray oo uu dajiyey Marka iyo Baraawe.Dadkii u dhashay magaalooyinkasna qaar waatii la gumaaday qaarna naftooday la carareen.Cabdiqaasim iyo Xassan Daahir Aweeys waa kuwii ku khudbeeyey Marka iyo Baraawe waa dawlad gobaleed is maamul musha..Cabdiqaasim iyo Xassan waxay yiraahdeen maamul gobaleedka shabeelaha hoose waxaa madaxweyne ka ah Indha Cadde.
    Halkaas markay xaajo gaartay oo uu Cabdiqaasim marin habaabiyey wixii lagu heshiiyey Ismaaciil ma oran Cabdiqaasim wuu ka baxay waxaan ku wada heshiinay.Sababta uu Ismaaciil ugu qiri waayey dambiyada uu galay Cabdiqaasim baa ahayd in ujeedada Isamaaciil ay hayd oo kaliya in xukunka soomaaliya ay gacanta ku dhigto beesha USC.
    Mar an fogeeyn waxaa Ismaaciil laga sheegay in uu yiri waa tacab khasaaray waxaan Hawiye wakhti iyo maal ku bixiyey.Waayo waxba qabsan waaye.Waxuu yiri baa la yiri meeqaan adduun weynaha u soo baryey?Meeqaan wax u soo shaxaaday?Waan qaldamaye haddii an intaas barkeed u qaban lahaa puntlaan maanta soomaaliya waxaa ka jiri lahayd dawlad la hubo.Mooryaan waa iska mooryaa waligiisba.

    Reply
  2. Prince of Maakhir · Edit

    @Atooroow,

    Dan iyo magac toona inoogu ma jiraan catawga iyo calaacalka aynu Soomaali na la siman rubuc qarni la daba taagannahay. Wax aynaan annagu isu geysanin nagu ma dhicin waayo waynu ogayn nacaybka gaamuray ee Daaroodka loo qabay ee weli na loo hayo. Cabashadan tirada badani annaga ayaynu isku bahdilaynaa oo la inoogu qoslayaa xaqiiqdii.

    Atooroow, Soomaaliya oo muddadaas aad soo tibaaxday burbursan ayay Puntland ahayd geyiga keli ah ee ugu nabdoonaa oo weliba haystay dekadda keli ah ee dalka oo idil ka shaqeyneysa. Barri iyo baxar ba Puntland waxba kaga ma xidhnayn oo uga ma aanay baahnayn Xamar iyo madaxdaa Hawiye toona. Dhan walba ayay iskaga filnaan kartay haddii loo daacad yahay. Dakhligii dekadda Boosaaso ka soo galay muddadaas oo dhan maxaa maanta laga hayaa? Maxaa se laga dheefay?

    Haddaba Atooroow madaxda Majeerteen iyo guud ahaan beelaha Daarood ee Puntland deggan ayaa eedda iyo eenta ba iska leh oo xambaarsan. Iyaga ayaa musuq maasuq, xin iyo han yari ba isku curyaamiyay oo halka ay maanta yaallaan is dhigay. Farta aynu Hawiyaha iyo Jabuuti ku godaynu annaga ayay nagu godan tahay Atooroow oo waxan aad soo tabisay waa waxa loo yaqaanno ” convenient escapism”.

    Waxba yaynaan Hawiyaha ka daba eedaadin ee kullu fidna cinda geel waa madaxda Majeerteen ee inta toodii laga madoobeeyay dad kale tooda hunguriyeynaya oo weli na Xamar u hanqal taagaya. Halka aynu maanta oolno ma aha meel na qabata oo eeddeeda na annaga ayaa toos u xambaarsan. Sharaf dhac weyn bay nagu tahay in aynu sanadkan 2018 Hawiye weli ka cabaadno.

    Reply
  3. ASC.
    KU:Jaalle Real Maakhir Man.
    1.Marka hore ma aynuu cataabayno ee mahad Allaah baan joognaa.Labada cadaw ee geesaha inaga xiga 27 sano ka badan bay dagaalo inagu hayeen waxaan khasaro ahayna kama ay dheefin.Alxamdulillaah oo labadaba gaashaankaan u dhiganay.
    2.War Maakhiroow ma nimanka hawiye ee ad aragtay maamulkooda iyo siyaasaddooda miyeynuu ku dayan karnaa oo ku halayn karnaa magaca iyo jiritaanka soomaaliya?War nimanku waxay caan ku yahiin boobka iyo xasidnimada reer puntlaan iyo puntlaanba.Haddii ay heli karaan dadka reer puntlan way gubi lahaayeen intay ka qabaan xumaan iyo xaasidnimo.
    3.Ismaaciil Cumar Geele iyo inta la xulufo ah waxba ugama baahnin oo huur iskama saaro.Sida dhabtaa ee jirta Ismaaciil wuu ku khasaaray eexdii uu u eexan jirey beelaha Hawiye iyo Isaaq.Calaa kulli xaal waxba ugama bahnin dadkaas dhibaatada xaasidnimo ka buuxdo.

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada