DAAWO VIDEO DEG DEG:SLAND oo Ku Dhawaaqday Tukaraq Inay Ka Baxayaan Wada Hadal Diyaar U yahiin Gudi Garoowe U Di

Maamulka Soomaliland Ayaa Warsaxfadeedkii Ugu danbeeyey Kasoo saaray dagaalka Puntland iyo Xiisada Ka Taagan Tukaraq,Waxayna Sheegtay Soomaliland inay Diyaar U tahay wada Hadal nabadeed Si kasta oo lagu Helayo.

Ciidamada Soomaliland Ayey Sheegtay Inay  kasoo baxeen  Goobo Horay U Joogeen Iyagoo Ilaalinaya Inuu Dagaal Dhiig Ku daato uu Dhaco,Iyadoo Sheegtay Soomaliland Inay Aqbaleen Go’aan Qaramada Madoobe Usoo Jeedisey  In wada Hadal Dib U Bilaabaan Puntland Iyo Soomaliland.

Warsaxafadeedkani Kasoo baxay Somaliland Waxay Sheegtay In Gudi Iskooda Isku Xil qaamay oo Nabadeed ka Tageen Hargeysa Iyagoona Tagey Magaalada Garoowe Ayna Soo Dhaweynayso Soomaliland ,Gudigaasi waxay Somaliland sheegtay Inay Casuumaad ka Heleen Dhigooda Garoowe.

Halkani Riix Video Muuqaal Warsaxafadeed

4 thoughts on “DAAWO VIDEO DEG DEG:SLAND oo Ku Dhawaaqday Tukaraq Inay Ka Baxayaan Wada Hadal Diyaar U yahiin Gudi Garoowe U Di

  1. Wax walba waxaa ka horreeya oo ugu muhiimsan in marka hore beelaha deggan gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ay iyagu isku maan iyo af gartaan waxa ay iyagu iska aaminsan yihiin marka laga hadlo labada geyi ee Woqooyi Bari iyo Woqooyi Galbeed iyo qarannimada Soomaaliya. Muran ka ma jiro in ay beelahani bulsho iyo juuqraafi ahaan labadan geyi ka tirsan yihiin oo aanay dhan na u badan karin. Muranku waxuu ka taagan yahay dhanka ay siyaasad ahaan raacsan yihiin iyo sii ba dowrka uu isirkoodu ku leeyahay xisaabtan isku cakiran.

    Marka aynu dhanka siyaasadda wax ka dheehano aad ayay u adkaatay in siyaasadda beelahani si cilmiyeysan loo darso oo loo na falanqeeyo maadaama aan weli afti buuxda laga qaadin – mid dawladeed iyo mid saxaafadeed toona. Waa la dhihi karaa in 70% ka badan siyaasaddoodu qarannimada Soomaaliya ayay taabacsan tahay laakiin la ma hubo. Macnuhu waxaa weeye in ku dhawaad 30% aanay Soomaaliya raacsanayn. Dhankee baa haddaba loo badin karaa in ay u janjeedhaan?

    Su’aashaasi waxaa ka sii faracmaya su’aalo kale oo dhowr ah sida in ay aaminsan yihiin qaddiyadda gooni-isu-taagga ay Isaaqu duulinayaan mise in ay Isaaqa is kugu nabayaan baahi aawadeed mise in ay lahjaddu ka qaalib noqotay masiirkoodii dhammaa ama se ay aqoon la’aan baahsani ka haysato arrimaha aasaasiga u ah noloshooda guud iyo aayahooda ee iyana ku suntan helitaanka dawladnimo iyo qarannimo sugan?

    Maxaa se ku jaban in la isu guuriyo qaddiyadda Hartinimo ee uu geyigoodu ku suntan yahay iyo qarannimada guud mar haddii ba uu waaqicigu ka yeelay in ay dadkan isku haybta ahi geyiga Woqooyi Bari ee dalka oogu weyn wadaagaan? Miyay se lahjad wadaagnimadu hayb wadaagnimada ka qaalib noqon kartaa sida ay Dhulbahantaha qaarkood ka muuqata? “Xoreynta” Sool qaddiyaddee ayay salka ku haysaa?

    Waa dood furan oo aan ka sii faaloon doono Eebbe idamkii.

    Reply
  2. Exactly the way I did forecast the matter in the beginning of the altercation.
    This is what had written down nearly a month ago

    “He(Biixi) is now engaging himself into compromise in which the aim is to declare a peaceful means in the region by pulling the militias loyal to his administration out from Tukaraq for unconditional ceasefire in the region”

    Now if European union and other international communities start to convince Puntland to accept this partial and one sided deal where much of Sool is to be given up for ever apart from such a tiny village of Tukaraq, Its definitely a win win scenario for he, the one and the only-MrBiixi
    On the other hand, Somaliland had already won the battlefield by crushing Puntland arm forces in such a humiliating way-So much so they DARE not to go for another raid, and guess what now?
    Well, simple win the rest-That’s to play a lethal diplomatic effort to get rid of Puntland’s never ending claim of Sool as the home and the heart of Harti people at world councils. And it momentarily looks as if that plan is gonna be in place in the years to come.
    If that is the case, the beginning of Hart disintegration and the death of Puntland AS WELL AS THE POLOTICAL CAUSE OF HARTI(Qadiyad) to fading away in the hands of Mageerteen.

    Lets all play the game of waiting and see how this ends

    Reply
  3. Waxaan u jeedaa warwereega iyo iska daba laablaabashada GAAS halkaanoo ay dheer tahay hanjabaada joogtada ah ee taagan har iyo habeen “waan duulaynaa iyo waan daadinaynaa iyo waan dooxataynaynaa TOLOOW MOWD YAA KA BADBAADOO HALKA AY KU DANBAYN YAA HOOSKEEDA OGAADA.

    XIKMADII africaanka ahayd “libaax jibaadaya kuguma soo socdo” lagama welwelo.
    jibaadku wuxuu ku socdaa libaaxyo kale oo uu uga baqayo inay naagaha ka qaadaan.

    hada waxaan is leeyahay armaa hanjabaada joogtada ah ee gaas caadada u ah ayba ku socotaa reer puntland si aan loo oran waad dayacday sool.

    haatan isku soo wada duuduub, soo noqodkiisa hal week kadib iyadoo aan nimanka iidoor ee wax iska celiya waayey xagooda waran lagu ridin-markaas arintu waxay ku danbayn xaalkii jibaadka libaaxa

    Reply
  4. Maxay ku nuugtaa maxayse kaga nuugtaa?????

    Oo dee ha la baxee xagee loo bixi?

    Xageesee lagu ekaan? Hubkase sow laguma adkaysan inaan meeshaa dib danbe hub waayay aanay soo gaadhin kuwanina aanay ka bixin karin xitaa habeenimo haduu isku dayo inuu la noqdo,

    Back to square one kkkkkkkkkkkkkkk some one who is so bird-brained is trying to rule over people, and his hapless people have just woken up in the middle of a quagmire.

    Ninkii dagalka bilaabay ee kibirka dhulkiisa kaga soo tegey, waa wuxuu geystay inuu helaa zaraceeda.

    Soo hoobo adaaa fadhigu horey kuu dhibaye.

    Dr Suldaan Prince of Maakhir and Dr Prof Libaaxa Mudug aad baan idiin salaamayaa, arintana si wanagsan ayaad u asiibteen.

    Reply

Post Comment