DAAWO VEDIO: Issimada Dhaqanka ee SSC oo si adag uga hadlay dagaalka Tukaraq Iyo digniin Ay udireen SNM

Qaar kamid ah Isimada dhaqanka ee Gobolada SSC oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka hadlay Xiisada dagaal ee Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, Una dhaxaysa Puntland iyo Somaliland.

Isimada ayaa soo jeediyey in la joojiyo Duulaanka lagu soo qaaday deegaanka, Waxayna Fariin gaar ah u direen Somaliland, Sidoo kale waxay sheegeen inay Qorshaynayaan in maamul loo sameeyo deegaanka. “Shir la qaban doono ma jiro, inta ka horaysa xoraynta magaalada Laascaanood oo Somaliland laga saarayo “. Ayuu yidhi Garaad saleebaan.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

8 thoughts on “DAAWO VEDIO: Issimada Dhaqanka ee SSC oo si adag uga hadlay dagaalka Tukaraq Iyo digniin Ay udireen SNM

  1. ISIMADA SOMALIYA MAANTA JIRA WAXAAN U AQAANAA ””’ IGU SHUBO ””’

    ISIM WALBA WUXU EEGANAYAA JEEBKIISA

    ISIM UMMADDIISA KA NAXAAYA MA JIRO SOMALIYA

    ISIM MARBA MEEL MUSHAAHARO KA QAATA AYA UMMADDI WAREERIYEY

    ISIM AAN MADAX IYO MANJO LAHAYN BAA SOOMALIYA KA BUUXA

    Reply
  2. Prince of Maakhir · Edit

    @ Royal Greetings to His Royal Highness Dab La Ridey,

    Ismaalaakadeedka iyo ismaleysiintu ha inoo dambeeyeen ee waaqiciga dhabta ah ayuun baa mar kasta qaalib noqda. Isbahaysigan Awal iyo Jeclo waa mid lagu saleeyay danooyin dhaqaale ee dad yar ku kooban. Qaddiyaddii Isaaqiyadu waa hore ayay iskeed u idlaatay oo waa lagu kala milmay. Xulufo labadan beelood magacooda ku qadhaabanaya ee uu Dahabshiil horseedka u yahay ayaa ka dambeeya dhul boobka deegaanada Dhulbahanta iyo Samaroonka laga wado. Damaca goobahan lala bartilmaansaday ma sahlana.

    Reeraha Dhulbahante ee Woqooyiga Sool lagu bahdilayo waxaa cawaray oo ay ku dheygageen suuradeynta iyo ismaalaakadeedka jeegaanta suudhadhka iyo tayga u soo xidhay. Reerahani kalsoonida ayaa aad uga dhinsan oo weligood ba iidoorka ayaa indhasarcaadi jiray. Damiirkii iyo dareenkii baa ka zuulay oo way is dhiibeen. Miyi iyo magaalo ba geela sidiisa ayay iidoorku u ooriyaan. Dhul boobka iyo hanti boobka lala damacsan yahay way ka dhoohan yihiin. Waxaa na ugu yaabka badan lahjad uun bay u dhintaan. Marka diiradda siyaasadeed lagu daalaco isliskan Tukaraq kaga dhexeeya maaulka Jeegaaneed iyo maamulka Puntland loollanka shidaalka Soolta Woqooyi ayuu salka ku hayaa.

    Ii ma muuqato qaddiyad Hartinimo oo dhab ah ee halgankani uu ku suntan yahay waayo reero Dhulbahante uun baa la isku lisayaa. Waxaa waajibku ahaa in marka hore qorshe Hartinimo ee hadaf iyo han la hanan karo leh la dajisto oo heer dhaqameed reeraha Dhulbahante ee kala irdheysan la isu soo dummo oo la isku maslaxeeyo. Cali Khaliif iyo kuwa Hargeysa ku xidhani waa tuugo iyo khaaimiin.Shacabka reerahoodan iska hurda ayay ahayd in runta iyo xaqa lagu baraarujiyo. Dhiig sokeeye oo macno la’aan Sool ugu daata maba uusan jireen haddii Dhulbahantaha laga furdaamin lahaa dulinimadan wada dayeeysiiyay ee sidaas u kala dishay. Meeday qaddiyaddii? Aaway qorshihii?

    Reply
  3. Prince of Maakhir · Edit

    Waxaan intaas ku darayaa in aynu inteenan gobta Harti ka dhashay mar kasta ba si taxadar leh uga foojignaano xamaasadda aan xadaariga ahayn waayo dadku waxay u kala baxaan kuwo ilbaxsan iyo kuwo kale oo ilciran. Annagu ilbaxda ayay taariikhda iyo Soomaalidu ba nagu tiriyaan oo taaj culus baa na saaran.

    Waxaynu u taagannahay badbaadinta magaca Soomaaliyeed iyo diinteena Islaamka iyada oo aanay foolaxgootayn iga ahayn xaqiiqdii. Danta guud iyo jiritaanka ummaddeena waa in ay inooga qaalib ahaadaan riwaaddan ay jinnooleyaashu isu jilayaan. In hantideena la halabaysto yeeli mayno laakiin hankeenu ha sarreeyo.

    Reply
  4. @ Suldaan Prof Cusman Cawad ”’ Royal Family ”’ May Allah Be Pleased with him

    Suldaan iga Guddon salaam sharafti Lagu Salaami Jiray Suldaan Cabdisalam Suldan Mohamud Garaad Cali shire.

    Suldaan Waa Xaq waxaad dusha ku soo Qortay waana in la Badbaadiyo Magaca Somaliyeed iyo Diinteena Islaamka.

    Reply
  5. Your Excellences Dr sir Prof Field Marshal Cawad and Chief Sultan Dablaridey

    Salaamaha qaaliga ah waan idinka gudoomay ay goor dhoweyd hawada iisoo mariseen.

    Suldankuna wuu naga qosliyay isagoo gobonimo doonkii la haysta wuxuu yiri

    :Dadkayga miyaa la dhalan Rogi…….”” .Harti ma Noqon karo Isaaq ””
    Ciidaydu miyey dhamaataa……………..””’ from Sool,Sanaag,Ceyn,Puntland,Jubaland,NFD & DDSI
    Dhulka sow Anigu ma Lihi………………dhulka sow Daarood ma Laha
    Ninki Dhiigu ku Karaayow waa YEELKADAA

    Dad raqiis ah oon lahaynba fac weynaan ay dadka kula socdaa ee bahyar oo Iiidoor ah baa nasoo hawaysatay waana daayeerkii la yiri wuxuu damcay inuu aar libaax jiido…. xagee ku danbeeyey?/// kkkkkkkkkkkkkk

    Aad baa arinkaa loogu diirsaday waxaana la doonayaa in Saleebaan Gaal Qorulugud loogu tago intuu weli nool ayahay lana xusuusiyo taariikh.

    Ha socoto…………

    Reply
  6. Waa aniguu kaa hore wuu iga booday.

    Anigoo ah Ali, Aka Idoor tababare !!!!!!!

    Your Excellences Dr sir Prof Field Marshal Cawad and Chief Sultan Dablaridey
    Salaamaha qaaliga ah waan idinka gudoomay ay goor dhoweyd hawada iisoo mariseen.

    Suldankuna wuu naga qosliyay isagoo gobonimo doonkii la haysta wuxuu yiri
    :Dadkayga miyaa la dhalan Rogi…….”” .Harti ma Noqon karo Isaaq ””
    Ciidaydu miyey dhamaataa……………..””’ from Sool,Sanaag,Ceyn,Puntland,Jubaland,NFD & DDSI

    Dhulka sow Anigu ma Lihi………………dhulka sow Daarood ma Laha
    Ninki Dhiigu ku Karaayow waa YEELKADAA

    Dad raqiis ah oon lahaynba fac weynaan ay dadka kula socdaa ee bahyar oo Iiidoor ah baa nasoo hawaysatay waana daayeerkii la yiri wuxuu damcay inuu aar libaax jiido…. xagee ku danbeeyey?/// kkkkkkkkkkkkkk

    Aad baa arinkaa loogu diirsaday waxaana la doonayaa in Saleebaan Gaal Qorulugud loogu tago intuu weli nool ayahay lana xusuusiyo taariikh.
    Ha socoto…………

    Reply
  7. Chief Commodore beloved Prince of Maakhir

    Allaha ku cizeeyo aad baad noogu qaadaa dhigtay arintay waanan kaaga mahadnaqayaa, arimahana arimaa ka danbayn, nimankan musalafay ee Idoor lacagtii way ka dhamaatay oo iyagii baaba saxaad doon ah maantay, dagaalkan iyo nafla-cadhinimadana muddo yar ayay sii socon kartaa.

    Shan arimood oo khilaafka dhexdooda ah iyo sicir Baraka iyo arimaha manta mandiqada ka socda umaba saamaxayaan inay dib danbe u yidhaahdaan ”Abracadabra Abracadabra….. kkkkkkkkkkk

    Waa la isbartay ceebina way ka dhacday rag badan oo taariikhdu xusi doonto.

    cakuye taariikheey, bakhti baa loo cunay waan baahan nahay balse dacari baahi makaa bi’isaa… waaba calyo Idoor……….kkkkkkkkkkkk

    Saharf iyo karaamaanu ka dooranay…. ikhsi calayhum.

    Reply
  8. Prince of Maakhir · Edit

    @ His Royal Highness Suldaan Dab La Ridey (Blessed Be He)

    @His Royal Excellence Garaad Admiral Ali

    Issimadayda qaddaraninta mudanoow salaamaha sharafta iyo sha’niga huwan si kal iyo laab ah ayaan idiin ka guddoonsaday, aniga oo isla iyada oo la carfiyay laydha macaan ee Eyl idiin soo marinayaa.

    Ka raalli ahaada taleefoono iyo hawlo ayaa igu habsaday oo aan kaga habsaamay in aan judhii ba idiin soo jawaabo. Halganka badbaadinta ummaddeena iyo caqiiqadeeda waa aynu dhaxal u leennahay gacaleyaal. Ciddii hadlaysaa ha iska hadasho.

    Reply

Post Comment