DAAWO VEDIO; Immisa Sano ayay S/land ku qaadatay iney qabsato Tukaraq,P/landse meeqa ayay ku qaadan doontaa lawareegida Sool.?

Taliyaha ciidanka Somaliland Jen, Nuux Taani Ismaaciil oo ka hadlayay Tukaraq saldhig ciidan oo kuyaala labo maalin ka hor ayaa daaha ka rogay in ay ciidamadiisa ku qaadatay in 21 sanno maalinba meel soo gaaraan, ilaa ay maanta joogaan Tukaraq oo masaafo dhan 60KM u jirta caasumada Puntland ee Garoowe, wuxuuna sheegay in ay kusii jeedaan Yoocada oo masafo dhan 55KM u jirta Tukaraq.

Taliye Nuux Taani wuxuu sheegay in ay maalinba meel soo joogeen, oo ay ka soo gudbayeen deegaano dhawrkii sannaba mar, isagoo sheegay in marxaladihii kala duwanaa ay marar badan ku kalifeen in ay ciidamadooda dib uga celinayaan deegaanka Tukaraq.

Inkastoo Nuux ka been sheegay xaqiiqada Tukaraq iyo meelaha lagu kala sugan yahay, haddana shaki ma saarna in uu Nuux Taani Ismaaciil yaqiinsanahay in xadka Somaliland uu yahay Burco, isagoo sheegay in ay weerar kasoo bilaabeen duleedka Burco 21 sanno kahor, walina ay doonayaan in ay kutagaan Yoocada oo ah duleedka Garoowe.

Su’aalaha lays weydiinaya waxaa kamid ah Jeneraalka hogaamiya ciidamada Difaaca ee Puntland Jen, Siciid Maxamed Xirsi meeqa sanadood, bilood ama maalmood ayay ku qaadanaysaa in ay dib uga saaraan ciidanka Somaliland dhul ay soo haysteen 21-kii sanno ee lasoo dhaafay, waxaana ilaa hadda la rumeysan yahay in uusan dhicin guluf dagaal oo ay Puntland toos ugu qaaday ciidamada Somaliland.

Shacabka ayaa taageero badan ku bixiyey sidii ciidamadooda loo adkeyn lahaa, Canshuur iyo Qaraan ayaana marar badan dadka laga qaadaa si loogu kabo arrimaha Ammaanka iyo shaqada dalka loo hayo, haddana wali shacabku waxay ka dhur-sugayaan xaaladda gobalka Sool, oo ay rumeysan yihiin in lagu soo qaado duulaan gardarro, haddana lagu daray in aflagaado loo geystay Awoowyaashood.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

3 thoughts on “DAAWO VEDIO; Immisa Sano ayay S/land ku qaadatay iney qabsato Tukaraq,P/landse meeqa ayay ku qaadan doontaa lawareegida Sool.?

  1. Dadkayga miyaa la dhalan Rogi…….”” .Harti ma Noqon karo Isaaq ””

    Ciidaydu miyey dhamaataa……………..””’ from Sool,Sanaag,Ceyn,Puntland,Jubaland,NFD & DDSI

    Dhulka sow Anigu ma Lihi………………dhulka sow Daarood ma Laha

    Ninki Dhiigu ku Karaayow waa YEELKADAA

    Reply
  2. ASC.
    Horta yaa arka oo maqla hadalada generalka ciidamada puntlaan?War ninkaas magaciisa baan maqlaa ee intii ay puntlaan dagaalada galaysay wali ma arag mana maqal isagoo ka hadlaya arimo dagaal.War xagguu joogaa ninku?Ma nin dibadaha jiraa ninku?War ninku ma nimaan hadlin baa?See xaalkiisu yahay?

    Reply
  3. Yoocada weeye balanteeni dhulbahane isaaq noqon maayo lkn waa inan deegaan ah degan somaliland waxna ku leh hadii ay sheekadu qabiil tahayna itoobiya ku qabsada dhulka oo dhaha waa daaroodiya aan ahayn iska aamusa

    Reply

Post Comment