DAAWO VEDIO; Hoggaanka Xarakada Al Shabaab oo War Kasoo saaray Afartii Dekadood ee Farmaajo dowladda Itoobiya ku wareejiyay

Xarakada Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay war rasmi ah kasoo saartay heshiiskii dhawaan dhexmaray Maamulka Farmaajo iyo Dowladda Itoobiya kaas oo Afar kamid ah dekedaha Soomaaliya loogu saxiixay in lagu wareejiyo dowladda Itoobiya.

Sheekh Mahad Warsamae ” Abu Cabdi Raxmaan” oo kamid ah mas’uuliyiinta sar sare ee Al-Shabaab ayaa hadal uu maanta oo Talaada ah siiyay Idaacada ku hadasha Afka Al-Shabaab ee Andalus wuxuu ku sheegay in qorshaha Itoobiya loogu gacan gelinayo dekedaha Soomaaliyeed uu yahay qayb kamid ah damacii Itoobiya ee ahaa in ay Soomaaliya oo dhan qabsato.

Sheekh Mahad Warsame ayaa ka dhawaajiyay in dadka Soomaaliyeed ay qarniyo dhaadheer oo lasoo dhaafay ay Itoobiya dagaallo lagu hoobtay kula jireen si ay iskaga caabiyaan damaceeda gurracan ee ah in ay dhulka Soomaaliyeed wada qabsato.

“Jihaadka dadkii naga horreeyay ay la galeen Xabashida Itoobiya, ee khalqiga aan yarayn ee Muslimiin ah ay ku shahiideen oo uu ku jiro Hogaamiyihii Muslimiinta Axmad Gureey, Malaayiin gaalo ahna lagu laayay, waxaas oo halgan ah waxa loosoo galay waxay aheyd in Diinta Islaamka iyo Dadka Muslimiinta ah lagu difaaco, Damaca gurracan ee Gaaladaas xabashidana la iskaga caabiyo” ayuu yiri Sheekh Mahad.

Mar uu soo hadal qaaday damaca fog ee Itoobiya ku doonayso in ay ku qabsato dhulka Soomaaliya ayuu sheegay in waxa socda ay yihiin xaqiijinta hadaf fog oo ay ka laheyd dalka.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Aby Ahmed oo dhowaan Muqdisho ayaa Heshiis dhinacyo badan la galay madaxweynaha Somaaliya kaasi oo ay ka mid tahay maalgashiga afar Dekad oo ka mid ah kuwa Soomaaliya.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

4 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “DAAWO VEDIO; Hoggaanka Xarakada Al Shabaab oo War Kasoo saaray Afartii Dekadood ee Farmaajo dowladda Itoobiya ku wareejiyay

  1. Throughout the epochs of time and the history of nations, it often takes just one man to rise and shine and deliver the depressed populace from the dark times to a brighter future. In my honest opinion, Messrs Abiy Ahmed and Abdullahi Farmaajo might just be that Godsend we have been hoping for who will transform the fortunes of our fantastic Horn of Africa region after half-a-century of turmoil and bloodshed. The duo’s pristine personalities and strikingly similar traits and looks actually radiate rays of hope that can only be described as unique and promising in equal measure.

    The sui generis nature of the Horn of African region is embodied in its enviable strategic geolocation which could not be more relevant and indeed opportune than in this contemporary epoch of intense globalization and highly interconnected and vastly expanding international trade. Our peoples, despite our political differences which are mostly as a consequence of the colonial hangovers and foreign meddling, share much more than actually separate them which we all ought to duly recognize, embrace and celebrate as a region.

    Under the right and visionary leadership and with the eradication of primitive tribal instincts and related conflicts in all our countries, we can and will truly unleash our full potential regionally, socially, politically and, above all, economically. With Abiy Ahmed and Farmaajo as the new kids on the block, I am both highly optimistic and excited for our blessed region. It is our carpe diem moment, I strongly believe.

    Reply
  2. @Jaalle Atoore,

    Waad ku saxsan tahay in aad taxadar ka gasho dalka Itoobiya maadaama aay taariikh madoobi naga dhexeyso oo ay tahay ximaayad caqiidadeena iyo jiritaankeena ummad ahaan duulaan ku ah. Hase yeesho ee, marka xaqiiqada dhabta ah laga hadlo dalalkeenan mandiqadda Geeska Afrika deriska ku ahi si ay u kala maarmaan ma jiro waayo dhaqaale ahaan ayaynu isugu wada baahannahay. Kollay Itoobiyaanku qaab dagaal nooga ma rayn karaan laakiin waxaan ka cabsi qabaa in ay bulsho ahaan tartiib dalka naga la wareegaan haddii aan tahriibtooda dalkeena ku aaddan la kaantaroolin.

    Sidaas oo ay tahay, waxaa xaqiiqo ah in habka oogu habboon ee aynu iskaga caabbin karno oo bulshadeena, kheyraadkeena iyo diinteena ba ku badbaadsan karno uu yahay innaga oo yeelana hanti qaran oo aad u culus iyo dhaqaale lixaad leh ee aynu kaga kasban karno isla Itoobiyadaas oo aynu baahiyaha dhaqaale ee ay dalkeena u qabto ka faaiideysana. Bulsho waliba waxay qumaati dhan walba isaga difaaci kartaa marka ay qarannimadeeda u sugnaato oo ay tankeeda waxsoosaarka iyo tunkeeda dhaqaale dhidibbada u taagto.

    Itoobiya iska daa ee dalkeena iyo Jabuuti ba Afrikada Dhexe ayaynu ilo ganacsi oo aan tayadooda la qiyaasi karin inta aynu iyada u sii marno ka haleeli karnaa. Caqligeena oo aynu ka shaqeysiino uun baa naga xiga Eebbe ka sokoow.

    Reply
  3. shabaab maxaa ka galay soomaaliya, iyagu ma soomaalibaa jawaabtu waa maya, iyagu yahuudda iyi faraaciinta ayeey u adeegaan, nama sheegan karaan mana wadaagno wax caqiido ah waayo waxay aamin sanyihiin haddii qof salaad ku jiro oo sajuudsan la dilo in jannada uu galayo kuu dilay ooqofkaas sujuudsan xabbadda nafta ooga qaaday subxaannalah kuwaas muslim islama sheegan karno oo soomali islama sheegan karno sidee beey uga hadli karaan dhulkeenna iyo jihaadkii loo soo maray dalkeenna isku aragti iyo soomalinimo iyo muslinimomaba nagamadhexaysee, itoobiya waa ka jecelnahay shabaab maanta waayo isbitaallaan u aadnaa dadkannagaa ka dhoofo oo ka soo dego qaxootiga shabaab ka cararaybaa deggen, ciidankoodii ayaa shabaab ka difaacayo shacabkii soomaliyeed, waxbadan itoobiya ayaau roon shacabka soomaliyeed marka loo fiiriyoshabaab, inaan tukanno oo masaajiddaca ku cibaadaysanno ayeey itoobiya u oggoshahay dadka soomaliyeed laakiin shabaab uma oggola dadkeenna ineey si xor ah u cibaadaystaan, haddaba waxa noocaas ah sideebay u sheegan karaan inaan muslim soomaali ah wadaanahay waa maya waxbao ma wadaagno kuwaas

    Reply
  4. jaalle atoore
    wax qiil ah ha siinin ninkaan shabaabka ah, hana ku raacin fikraddiisa jaahilnimada ku salaysan, itoobiya xudduud dheer ayaannu leenahay waxaannu daris ahayn annaga oo xitaa wax dawlad ah lahayn iyaduna ay ahayd waddanka afrika ugu xoogga badan markaas mey naqabsato maanta oo dawlad caalamka aqoonsanyahay aannu leennahay sidee beey noogu soo dhiirran kartaa jawaabtu waa maba dhici karto, midda kale shabaab uma baahnin taladiisa iyo wax sheeggiisa waayo wax naga dhexaayaabo ma jiraan.
    tahriibta reer itoobiyo in dalkoodii lagu celiyo waan kula qabaa laakiin soomalida qaxootiga ah ee itoobiya ku nool sideebaa la yeelayaa kkkkkkkk marka hore waa inaan shabaab iska xoreeynaa si dalkeennu nabad u helo oo qaxootigeenna aannu itoobiya uga soo ceshanno dabadeedna oromadaan uga xayrinno dalkeenna waayo suura gal ma ah inaan oromo cayrinno annaguna itoobiy aan qaxooti ku ahaanno, dhibaatdeennu maanta waa shabaab ee horta kuwaann aannu meel iska saarno.

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada