DAAWO MUUQAAL:Ciidamo Hor leh oo Garoowe Ka Baxay Jiida Dagaalka Tukaraq Gaadhey.

waxaa saacad saacad kasta Puntland Ku Biirinaysaa Jiida Dagaalka Gobolka Sool Ciidamo ,waxayna Saacadaha Ugu danbeeyey Kasoo baxay Garoowe Ciidamo  Ku Biiraya Kuwa Difaaca Puntland Sida Ay Sheegeen Saraakiisha Ciidamada Puntland.

Guutadani Ciidamada Puntland ee  Kasoo baxay Garoowe Ayey wax Garadka Reer Garoowe Ugu talo Galeen Inay  Ka Mid Noqdaan Ciidamada Difaaca Puntland ,Puntland Ayaa Wadey Ciidamo Beelaha Puntland Iska Soo U Ruurinayaan  Taasi oo Siyaasinta Kasoo Hor Jeesteen Inay Xiligani Qaab Beeleed dagaalka U wajahdo  Halka Laga Doonayey Abaabul Dowladnimo Inay Ku Wajahdo dagaalka.

Halkani Riix Video Ciidamada

Maxamed Cabdiraxman faroole Ayaa Fariin Ku Tilmaamay Inay Puntland Ku Jirto markii la Dhisayey Oo kale Madama maalin kasta Ciidan Beeleed dagaalka Tukaraq Ku biirayaan.

10 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “DAAWO MUUQAAL:Ciidamo Hor leh oo Garoowe Ka Baxay Jiida Dagaalka Tukaraq Gaadhey.

  1. FARIIN AAN U DHIGAYO INA FAROOLE MEETAN(meeshaan)

    Waa runtaa ina farooloow anba saas baan kula qabaa in hada jaa milatary ay maanta meel walba hoganayaan.. jaaloow waa xayraankii aabe waxa maanta halkaan sare geeyey puntrland. xayraankii aabe waa loo doorsaday.
    Puntland by now to have been setting up a military bases long ago for puntanian royal army forces to apprehend and put in to custudy the so called militias loyal to rebellious self appointed adminstration of Somaliland.

    dadoo idili maqle inaad rabtay wanaaga puntland

    ANNA WAA KU DIIRSADAY ILAAH DAROJO SIIYOOW E
    hayeeshee ina farooloow hadohoo waxay doonto ha noqotee aan aamus biday oo inaan ilaaqo ka daayo maamulka gaas. halkaanoo aan u qaatay in dhamaanteen reer puntland aan maanta hal meel ku ridayno tumaatida
    CIYAAR CIYAAR U MOOD CAANO BOORAHA
    Nimanka maleeshiyaadka ahi (cagamadoow) maaha ciyaar ciyaar.
    waa nimankii hilfaha u qaaday mingiste,
    waa nimankii moora duugay daarood
    waa nimankii qadaafi iyo cusni mubaarak haylahda cunsiiyey
    waa nimankii dalka maraykanka ka cayriyey ingriis gumaysigiisii deetana aasaasay great america of today.
    waxaan qabaa hadii inta la qalabeeyo loo dhamaystiro agabka kala duwan ee ay u baahan yihiin sida sahaydii saadkii supplgii saanadii hubka noocyadiisa kala duwan halkaanoo ay dheer tahay in iyaga laftooda bal lakala duwo si aysan isu buuran ama aysan rasaasta isku halaakayn illeen wuxu waa maleeshiyo beeleede
    halkaanoo aagag ay ka duulaan iyo aagag ay sal dhigtaanba loo sameeyo isla markaasna loo kala duwduwo
    way ku tuman doonaan maamulka iidoor-iga qor taas.

    MAXAADSE IIGU DAAWAN JIRTEEN ARINTA KALIDEEY?
    soow looma qaadan karo inaan waxa maanta reer puntland mucaarad iyo muxaafo ay u wada jeedaan oo daldaloolo ah oo ay haatan ku baraarugeen anni aan waa aan waagaan ahayn isha ku dhuftay deetana aan afka qaylo ku shubtay oo mucaaro ku bilaabay gaas iyo dawladiisa
    Curisyo/maqaalo aan galiyey meeshaan mudo 2 sano hortooda “gaas waa dhaaranayaa ha yeeshee waxba uma diyaarsana”
    waxa aan ka hadlayey waagaas waxay ahayd in mar hore gaas ku dhaqaaqi lahaa meeshuu hada taagan yahay

    ISKU SOO WADA DUUDUUB
    SHEEKADII BACALUUL IS QAADAY
    All in all iam not too haby with the way things have gone
    hayeeshee geelna ha dhintee hadii
    gaas xoreeyo sool
    markaas waa wixii hore quba oo qashinka ku dara

    taasi maysan dhicin

    Reply
  2. shalay ilaa doraad waxaa isoo gaarayey in maamulka iidoor ee somaliland ay jiida hore ee tuka raq ka dhisayaan laami ama ay dayac tirayaan laami burbursan, Halkaanoo katarabiilaro, baaldoosyo iyo bahasha cagafcagafta soomalidu u taqaano lagusoo daad gureeyey goobta lays ku hor fadhiyo ee tuka raq

    YAA SHEEKADAAS LAGU DAGAYAA
    WAA ISKA CADAHAY-WAANA NINKAAN CAQLI LAHAYN.
    Xagee caalamka lagu arkay meel labo ciidan oo isu mindiyo lisanaya is horfadhiyaan oo laami la dayac tirayo.
    taas waxaan u qaatay sheekadii carays ciise ee “MASALO WEEYE AANAN MAQAL”

    WAR QOODHIYO XERADA KA JABI WAAYEE NIMANKU WAXAY KU GUDA JIRAAN QODISTA DHUFAYSYO IYO HOGAG WAAWAY OO GABAAD U NOQDA
    Iyo dagaal daba dheeraada
    waxaa ugu wacnaan kara waa iska caddahay-weerar uma socdaan waayo jaa waxaa gacantooda kusoo xareetoy zoonihii ay ku taameyeen ama inay soo xirtaan ilaa inta u calaamadsan.

    Hadaba go’aankoodu waa inay qoryaha lidka diyaaradaha sida-37, qoriga zuuga, iyo qoriga dilaaga ah ee somalidu u taqaano shilkaha inay kala soo jeestaan hogaga ay qoteen deetana rageena reer puntland oo weerar af isla markaasna raba inay u dhacaan dhufaysyada beesha iidoor huf looga dhigo qoryahaas.

    WAXAAN KULA TALINAYAA MAAMULKA PUNTLAND INAY
    YEELAAN SIDII CABDULAAHI YUUSUF SAMEEYEY DAGAALKII JAAMAC CALI JAMAC iyo cade muuse
    soomaliland baa si aada u hubaysay deetana saan hada ay somaliland samaysay oo ah qodida hogaga waawayn bay iyana sameeyeen.
    hayeeshee aagii oo dhan iyo eariyadii ay ku diyaarsadeen hubka culus gabi ahaan waa laga guuray waxaana looga tagay ciidan yar
    gadaalkiina iyadoo aan wax khasdaaro ahi labada geesoodba imaan baa dagaalkii soo afjarmay-taas waxaa ugu wacnaa iyadoo lagu goobtay cadde muuse oo beelaha harti dhamaantood ciidamadoodii u keenay yuusuf balse hadii reer mudug oo qura ay soo aadi lahaayeeen meesha waa lagu qararamsan lahaa

    waxaan ku darayaa in dhulka ay dhacdo tukaraq ay tahay dhul qaraxa oo banaa. hadaba hadii labo is haleesho waana meel banaan oo dagaalku ka dhaco iyo qolo dhufays ku jirta
    THIS IS A DISASTER WAITING TO HAPPEND
    Dagaalkii koowad ee aduunka bay dhacday deetana ingriis waa ku le’day hal maalin oo qura baa waxaa aakhiro loo diray oo 180’000 oo ciidana baa seexday.
    WAXAA UGU WACNAA DHULKA OO BANAAN DARTEED HALKAANOO ASKARIGA SOO ORDAYA LOO WADA JEEDO OO DHULKA LOO DHIGO
    deetana waxay alifeen oo soo bandhigeen dabaabada maanta aduunka caan baxday ee loo yaqaan KAARAHA

    SAAN soo tibaaxay in badan arintaan waxaa lagu dawayn karaa kaadi badane waa loo gogol badiyaa.
    hadii jihooyin badan laga wajaho somali land oo frontiyo badan laga soo kulaalo, markaas waxay ku qasban yihiin inay hubka baaxada leh ee ay meesha qura kusoo urursadeen oo ay ku daafacayaan tukaraq ay u qaybiyaan as an allocation(wareegto) jihooyinka ku furmay. HADII AYSAN SAAN SAMAYNNA WAXAY GALAYAAN AMA DHABAR JABIN AMA ENCIRCLEMENT OR BOTH.
    halkaas waxaa ku fashilmi doona tabcada soomaliland

    Reply
    1. Prince of Maakhir · Edit

      @sOmalilanderoow,

      Diinteenu waxay inoo caddeysay in aanu jannada gali doonin qofka diradiraalaha ah iyo ruuxa colaadaha huriya. Mar na miyaad ku xisaabtantay in ay naftu amaano kugu tahay oo daqiiqad kasta dunidan lagaa dafi doono maandhe?

      Wax ay gobi ceeb u aragto ayay guni caadeysataa baan maqli jiray. Gobta reer Puntland waa gabboodda iyo gaashaanka ummadda iyo magac Soomaaliyeed. In ay dhiig sokeeye ku degdegi waayeen waa ku sharaf ee sida aad is moodsiisay ma aha. Aakhiradaada armaad ka talisaa habsanoow?

      Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada