Akhriso Qosol:10 Qodob ee Ugu Qosol Badna Dagaalka Tukaraq iyo Xiisada Puntland Iyo Somaliland

Run Mise Been 10 Waxyaabood oo Laga Qorey Dagaalka Tukaraq G Sool.
====================.

1-Waxa suuq la’aan wayni soo food saartay shirkadihii socdaalka ee gobolada PL.

2-Dadka Reer Somaliland oo ku baasaaboor beelay dagaalka halka reer Puntland-na ku dhakhtar waayeen.

3-Haween waynaha reer Puntland oo sameeyay Sabaayadii ugu badnayd Geeska Afrika uguna deeqay Ciidamada Qarankooda.

4-Oromo dar ilaahay u tahriibaysay oo ciidamada Puntland rasaas ku fureen iyaga oo moodaya ciidamadii Somaliland.

5-Ururka Caanalayda suuqa hoose oo ciidamada Somaliland ugu deeqay booyad caano ah.

6-Gabadh reer Berbera oo cadho darted dhiman gaadhay kadib markii uu Facebook-gu u soo qoray waxaad ku ciidi doontaa Garoowe
waxaanad la ciidi doontaa Janeraal Morgan!

7-Kaarihii Ciidamada Somaliland ka qabsadeen Puntland oo la sheegay inay lahayd gabadh Garoowe Jaadka ku iibisaa.

8-Iskaashatada suuqa Gobonimo oo Iyana ciidanka SL ugu deeqay Iskarogo Suqaar ah.

9-Labada shay ee werwerka ugu badan ku haya madaxwayne Muuse oo noqday dagaalka Tukaraq iyo shirkii buurta Gacan-Libaax, halka labada shay ee werwerka ugu badan ku haya Madaxwayne Cabdiweli Gaas ay Iyana noqdeen dagaalka Tukaraq iyo hadhitaankii Argentine.

10-Wadaad seef la bood ah oo sheegay in dagaalka Tukraq la mid yahay ka ka socda QAZA

 

Qore Qalinka Khaakhaan

13 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “Akhriso Qosol:10 Qodob ee Ugu Qosol Badna Dagaalka Tukaraq iyo Xiisada Puntland Iyo Somaliland

  1. waa wax lagu qoslo
    maba ogayn in argentina uu difoose u yahay cabdi wali gaas.

    halka anni aan aad u rabay in midabka madoow dartiis sinigal ay soo bixi lahayd.

    Reply
  2. Waxaan raacinayaa in ay Gaas iyo Biixi la mid yihiin labadii nin ee iyaga oo dariiqa isku weydaaranaya waji waji isugu dhacay oo dakhramay. Midi waa uu cawarnaa kan kale na indhool ayuu ahaa.

    Cawarkii waxuu kii kale ku canaantay: ” War xagga aad u socoto maad indhaha ku hayso!”

    Indhoolihii waxuu ugu jawaabay: “War adiga na xagga indhahaagu u kala jeedaan maad u socoto!”

    Reply
  3. Kaarahaa ay gabadhu laheyd dhawr jeer bay cabasho noo soo dirtay in dar ilahey kaarehedii loogu soo celiyo maadama ay wayday rag usoo celiya,kkkkkkkkkkkkkkkk

    Waar gabadha hargeysa hala dajiyo oo suuq wayn oo jaadka ah haloo furo.

    Reply
    1. ASC.
      KU:Xaaji JEEGAAN.
      Haddii an kaaga jawaabo qoraalkaaga kore.
      Anagaba waxaa araaji (applications) noo soo qorta gabdhihiina guurdoonkaa waana ka aqbalay.Waayo waad gabteen in aad ASTURTAAN gabdhihiina sharafta leh ee guurdoonkaa.Sababtoo ah itaal uma haysaan arimaha quseeya haweenka ee sariirta.Say gabdhihiinu sheegeen waxaa raganimadiinii nafeeyey Qaad iyo maandooriye kale.War adigoo gabay in aad qancisid gabadhii laguu dhisay maxaad cidkale ka sheegi kartaa miskiin yahoow?

      Reply
  4. Waaba lays baran.geel caruuri qaaday ma dheere…..meel ku sheega saraakiishii 7 ahaa ee u kala saraysay guutada 6 aad iyo dhamaan askartoodii………..lkn waxaan la yaabanahay webside..kaan cidda iska leh…

    Reply
  5. Waaba lays baran.geel caruuri qaaday ma dheere…..meel ku sheega saraakiishii 7 ahaa ee u kala saraysay guutada 6 aad iyo dhamaan askartoodii………..lkn waxaan la yaabanahay webside..kaan cidda iska leh…

    Reply
  6. Anigu labada gabdhood ee kala ah Mida Reer Gadhoowe ee Kaaraha laga soo Amaahday ee weli CabdiWelli ku muusanaabeysa iyo ta Reer Berbera ee Cadhada u go’i gaadhay kolkii lagu yidhi Waxaad Ciida ku tukan doontaa Gadhoowe oo Orgiga Imika Dhintay ee Morgan ee Gadhku casaaday ayaad ku ag tukan doontaa ayaa aad iyo aad qosolkii iiga dhameeyay.

    Yacni, midina waxa ay ka dhiidhiyayaa oo ay dhimasho ka xigtaa in Orgi Adhi Carbeed ah oo Shaashku (Dhiig Daraadiis la casaaday salaad agtiisa fooda dhulka saarto, midina waxa ay ka dhiidhiyaysaa CabdiWelli Cawaro ee bahasha Gaasta ihi uurta kuustay oo midhkii Taangi ee ay Jaadka ina laga dhaco iyo in Budhleyn lagu kufsado oo dabadeetona xabad meel la’ogyahay lagaga dhufto iskaga ilaalin jirtay uu dhaafiyay. Bedelkeediina aanu karayn.

    Waxaan kale oon aad iyo aad uga mabsuuday mid xaqiiqo ah oo midhka ah in Reer Puntland meesha ku caafimaad waayeen. Waa run midhkaas waxayse aheyd in warkaas lagu daro in dad ka hinaasay dhalinta Puntland ee Tacliinta Somaliland u doonatay ay damceen inay taas seejiyaan oo ay hadalkii Faysal ay u adeegsadaan siday dhalintaas u seejin lahaayeen wax barashada fiican ee ay u doonteen Wadanka Somaliland.

    Tas Somaliland oo ku passaport weydayna, waxaan ka leeyahay bagga marka hore. Marka xigtana intii yareyd ee Passportkaas Soomaaliya ka doonan jirtay Gadhoowena ay ka hadheen markii Budhleyn ay tacadi iyo afduub kula kacday dadkii. kkkkkk

    Calaa Kulli Xaal qoraalkani aad buu iiga qosliyay.

    Reply
  7. Nin boqor ah baa ku yidhi nin askartiisa ka mid ah qabri ilaali, isagoo qabrigii dul taagan baa nin u yimi markaas weydiiyey waxa meesha taagey wuxuu ku yidhi qabrigaan baan ilaaye ka ahay oo boqorkiibaa
    igu amray, wuu la yaabey wuxuuna ku yidhi waxaad tahay meed waxaad dultaagan tahayna waa medd
    kii ku soo dirayna medd buu ahaa hadda waxaad tihiin meedad ee meedadyohow kala aamusa waxba
    sheegi meesaane.

    Reply
  8. ASC.
    KU:Guuleed.
    Jaaalle waxaan filayaa in aad ku cusub tahay golahaan marqaannews.Waxaana marar badan soo galay weebkaan dad kala rayi iyo fakar duwan.Marka hala yaabin haddii ad aragtid kuwo anshax xun oo ayagu isla quman.Meeshaana waxaa ka caytama Mooryaan-Huutuu iyo Jeegaan-Marduuf.Waxa wax caaya ayagaa u badan but who cares haddii ay waligoodba caayaan reer puntlaan iyo puntlaanba.Reer puntlaan iyo puntlaanba cay Mooryaan iyo Jeegaan meel ka sari mayso oo puntlaan labadaba waxba uma oga.

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada