DEG DEG: Qarax goordhow ka dhacay Muqdisho

War goordhow na soo gaaray ayaa waxa uu sheegayaa in qarax uu ka dhacay Xaafada ka tirsan degmada Deeyniile ee Gobolakan Banaadir.

Qaraxan oo ahaa miino Wadada dhinacaceeda lagu aasay ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Isbitaalka Guutaale oo ku yaalla Wadada aada degmada Deeyniile ee ka tagta Kulliyada Jaale Siyaad ee degmadaas.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in xilliga qaraxa uu dhacayay ay goobta marayeen gaari ay wateen ciidamada dowladda Soomaaliya balse aysan gaarin wax khasaaro ah.

Qaraxa  kadib ayaa waxaa Ciidamadii saarnaa gaari ay fureen rasaas badan,waxana sidoo kale goobta gaaray Ciidamo kale kuwaas oo haatan howlo baaritaano ah ka wada halkii uu qaraxa ka dhacay.

Hal Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “DEG DEG: Qarax goordhow ka dhacay Muqdisho

  1. Muuqadisho waxaa wax Qarxiya waa Mooryaanti iljeex oo isku sheega in ay yihiin GANACSATO.

    Raali kama aha iljeex

    1-in canshuur laga qaado
    2-in la baadho wixi ay kala soo degaan dekeda
    3-in la ogaado maxay faaiideen iyo maxay khasaareen
    4-in Licence loo sameeyey ganacsi walba ee muuqa-disho ku yaala
    5-in dawladu ay ogaato dhibka haysata si ay wax ugala qabato.

    Muuqa-disho waxaa wax qarxiya waa Habaaraneey taas waa la cadeeyey

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada