XOG MUHIIM AH; Markab laga leeyahay Imaaraadka Carabta oo ku xirtay Dekadda Kismaayo

Markab Xamuul oo laga leeyahay Iimaaraadka oo wada shixnad Raashin Kaalmo ah ayaa ku soo xirtay Dekedda magaalladda Kismaayo, sida ay shaacisay Wakaalladda Wararka Imaaraadka ee WAM.

Markabka Samafalka ayaa la sheegay inuu wado Shixnad cunto oo rarkeedu dhan yahay 824 Tan. Waana Markabkii ugu horreysey ee ku soo xirta magaalladda Kismaayo, tan iyo wixii ka dambeeyey Khilaafka Khaliijka ee ay DFS iyo Maamul-gobaleedyadda ku kala qeybsameen.

Ilo rasmi ah oo ka tirsan Hay’adda Samafalka ee Khalifa Bin Zayid Al-nahyan Fondation ayaa sheegtay in Kaalmadda cuntada loo qeybin doono dadka aadka u baahan ee ay saamaysay Abaaraha ku dhuftay qeybo ka mid ah Goballadda Jubbooyinka.

Qaar ka mid ah Saraakiisha Soomaalida iyo daaka ka faa’ideysanaya Deeqdaas waxay Dowladda Imaaraadka iyo Hay’adda Samafalka ee Khalifa Bin Zayid uga mahad celiyeen  Kaalmadda ay soo gaarsiiyeen oo ay aad ugu baahnaayen.

6 thoughts on “XOG MUHIIM AH; Markab laga leeyahay Imaaraadka Carabta oo ku xirtay Dekadda Kismaayo

  1. 840 tan oo cunto dhacday ah ayuu markabkani keenay,840 tan oo dhuxul ah ayuu sii qaadi doonaa! Axmaq madoobe, jubaland wuxuu ka dhigay Saxaare.

    Reply
  2. Shaki kuma jiro inuu dhuxul doon yahay,cunnada dhacday ee uu horay u soo qaatay waa marmarsiinyo,yaase ka liita oo la siri karaa.
    Oday Ahmed deyn uu horay u sii qaatay baa lagu leeyahay taas buu la rafanayaa,dawladii dhexana lacag u diiday oo xisaab xir tii hore baa laga sugayaa-odayguna xisaab xir iyo dawlad xisaabtanta kuma talogelin-taasi awgeed ninka markaan ha rartee ha loo qaleeyo-hhhhh

    Reply
  3. Amina,walaal yaaba ka handling kara arrimahaas, 5000 Askari oo sanbuuqo weyn ayaan dhinacyada ka taagan oo dhuxusha comishan ku leh.dhirtu haddii ay dhammaato room lama sugayo waayo roobka shirts ayaa keenta. Ilaahay haka soo gaaro shacabka reer jubaland oo intooda badan noloshoodu ku xitaa that Xoolaha iyo Beeraha.

    Reply
  4. Anigu rajo weyn baan ka qabaa in Jubbaland ay noqondoonto meel dawladdda dhista laakiin Axmed Madoobe dabinta carabta ha iska ilaaliyo Lacata lagu siinaayo waa burburinta dawlada

    Reply

Post Comment