XOG; DF oo dadaal ku bixineysa sidii loo dhammeyn lahaa Khilaafka xilligan ka dhex taagan Madaxda Galmudug

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ku bixineysa sidii la isugu soo dhoweyn lahaa Madaxda Galmudug,kaasi oo marba marka ka sii danbeyso cirka isku sii shareerayo.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku jirta dadaalkii ugu danbeysay oo ay ku dooneyso in xal kama danbeys ah looga gaaro Khilaafka Madaxda ugu sareysa Maamulka Galmudug.

Xiisada Galmudug ayaa sii xoogeysaneysa,iyadoo Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya kullamo gooni gooni ah la yeeshay madaxda is heysa,sida madaxweynaha,Ku-xigeenkiisa,Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug,waxayna iska arkeen sida ugu haboon ee khilaafka lagu xalin karo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale wallaac ka muujisay dib u soo cusboonaashaha Khilaafka Galmudug,kaasi oo laga yaabo inuu curyaamiyo dadaalada socda.

Halkaan Ku Qor Fikirkaada