XOG: Al-Shabaab oo u Hanjabay Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka

Ururka Al-Shabaab ayaa wacad ku maray iney xoojin doonaan dilalka qorsheysan ay ku fulinayaan Saraakiisha Ciidamada Dowladda,Xildhibaanada iyo dadka kale ee magaca ku leh Bulshada Soomaaliyeed.

War ka soo baxay Al-Shabaab oo lagu baahiyay baraha Internetka ay ku leeyihiin ayay ku sheegeen iney diyaariyeen dhalinyaro bastoolado ku hubeysan kuwaasi oo dilalka qorsheysan fulinaya.

Cabsi xooggan ayaa xilligan soo wajahday Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo kuwa saaxiibada la ah,kuwaasi oo ka naxay hanjabaadka ka soo yeeray Al-Shabaab.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa awood buuxda ulaheyn iney la tacaalaan dhalinyarada dilalka qorsheysan fulinaya,balse marar badan dadaal ay sameeyeen ayay ku soo qabteen dhalinyaro tuhun ku jiro.

Halkaan Ku Qor Fikirkaada