WAR DEG DEG:Madaxweyne Gaas oo Barlamaanka Hortagaya Kulankii Ugu Danbeeyey Doorashada Inuu Soo Laabanayo La Saadaalinayo

Garoowe(Marqaannews.net)-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas  ayaa lagu wadaa in Maanta oo Sabti ah uu furo kal-fadhiga 41aad ee baarlamaanka Maamulkaas,kulankaas oo noqonaya kii ugu dambeeyey sida uu qabo Dastuurka Maamulkaas.

Madaxweyne Gaas ayaa qorshuhu yahay in Maanta uu jeediyo Khudbad dheer oo uu kaga hadi doono Waxqabadka Maamulkiisa iyo xiisadaha Siyaasadeed ee ka jira waqtigaan deegaanada maamulka Puntland iyo Arrimo kale.

Sidoo kale kulanka Baarlamaanka Puntland eee Maanta ayaa lagu falanqeyn doonaa daagalka u dhaxeeya Puntland iyo soomaaliland,sidoo Puntland ula wareegi laheyd deegaanada ka magic gacantooda iyo sidoo kale doorashooyinka la filayo in ay ka dhacaan deegaanada Maamulka Puntland.

Xildhibaanada ayaa iyana waxa ay aragtiyo kala duwan ka dhiiban doonaan xaaladaha ku soo kordhay Puntland sida dagaalka gobolka Sool ee u dhaxeeya Maamulada Puntland iyo Soomaaliland.

Gaas Iyo Doorashada Puntland

Barlamaanka Puntland Ayaa Ilo Lagu kalsoon yahay Sheegayaan Inay Tageersan yahiin inuu mar kale Xukunka Kusoo laabto Isagoona  Dagaalka Soomaliland ee Soo celinta Sool  lagu Tilmaamay Inuu yahay Miday Taarikhda Xusi Doonto Madama Uu yahay Madaxweynahi ugu Horeyey oo dagaal ku gala Soo celinta Sool.

Sidoo kale Shacabka Ayaa Tilmaamaya Inuu kalsooni ku Kasbanayo Inuu mar kale xukunka Sii hayo .

Odayaasha Dhaqanka Ayaa Sidoo kale Dagaal Ugu Jira Inuu Mar kale Soo laabto Madaxweynaha Puntland Cabdiwali maxamed Cali gaas.

 

Post Comment