WAR DEG DEG AH:Raysal Wasaaraha Itoobiya oo Muqdisho Ku Wajahan & Ujeedada Safarkani

Muqdisho(Marqaannews.net)Wafdi  Sare oo ka Socda Dalka Itoobiya Ayaa Lagu wadaa Inay tagaan magaalada Muqdisho,Iyadoona Hor Dhaca wafdigaasi oo iskugu Jira Siyaasin caan Ah muqdisho gaadheen,waxaa laga dareemaya Wadooyinka Muqdisho oo Xidhan Iyadoona Culimo Iyo Siyaasin Hor Dhac U Ah Ay muqdisho Kusii Qulqulayeen.

Safarkani Raysal Wasaaraha Itoobiya Abey Axmed oo Noqonaya Kii Ugu horeyey  Tan Iyo markii la Doortay Ayaa Sidoo Kale Ah Mid Aad Loo hadal hayo madama Looga Baran Madaxda Itoobiya  Safar iskaashi oo muqdisho Ku Yimadaan  Marka Laga Reebo Shirar Guud oo IGAD oo Raysal wasaarahi Hore Itoobiya Ka Qeyb galay.

Waxa Wada Hadalkani  Diirada lagu saarayaa  Iskaashiga Labada dal Iyo waliba  Inuu wax badani iska Badaley Xiriirka Labada dal U dhaxeeya Sida Ay Sheegayaan Diblumaasiyiin Ku Sugan Muqdisho.

Xukumada Cusub ee dalka Itoobiya Ayaa U muuqanaysa Inay Siyaasad Ka Fur furan Itoobiyada  Hore Ku maamulayso dalkaasi

Amaanka Muqdisho Ayaa Aad loo Adkeeyey Muqdisho  Safarkani raysal wasaaraha Itoobiya uu muqdisho Ku Imaanayo,Arimaha Kale ee Itoobiya  Iyo Dowlada Soomaaliya Ka Wada hadlayaan waxaa ka Mid Ah  Madaxbanaanida Soomaaliya Iyo Maamulada  Inaysan Itoobiya Heshiis Badan la galin.

Post Comment