Faah faahin Shirkii La isku Arkay ee Buuhoodle Ka DHacay, Wafti Culus

Munaasibad si weyn loosoo agaasimey oo ay kasoo qayb galeen wufuud ka socota guud ahaan gobolka Cayn iyo magaalada Laascaanood ayaa lagu qabtay deegaanka Goljano oo ka tirsan gobollka Cayn magaalada Buuhodle na u jirta 70 KM.

Munaasibadan ayaa lagu daah-furayey machad diini ah oo lagu baranayo culuunta shareecada Islaamka kaasoo uu dhismihiisa hirgeliyey siyaasi Cali X Cige oo u waqfay waalidkii.

Waxaa loogu magac dara Machadka Xaaji Asli oo ah hooyada dhashay Cali X Cige oo dhisay machadkan.

Isimada gobolka Cayn ee kala ah, Suldaan Siciid Cismaan Cali, Boqor Cabdilaahi Axmed Cali, iyo Garaad Saleebaan Buraale Aadan ayaa goobjoog ahaa munaasibadaasi.

Dhanka kale culimada gobolka Cayn ayaa joogey madasha waxaana kamid ahaa.

Dr. Cabdishaafi Axmed Cali.
Sh Axmed Maxamed Samatar
Sh Jaamac Saleebaan Yuusuf
Sh Cabdixamiid Maxamed Saleebaan
Sh Cawil Xuseen Maxamed
Sh Maxamed Cabdiweli
Sh Cabdiraxmaan Ciise
Sh Maxamed Cabdicasiis
Sh Maxamed Haybe Gaas

iyo qaar kale oo badan, dhanka kale waxaa madasha joogey Wufuud ka yimi degmooyinka gobolka Cayn sida, Widhwidh, Ceegaag, iyo deegaanada hoos yimaada.

Marka laga tago waftiga gobolka Cayn oo ahaa kuwa ugu miisaanka culus ee madasha kasoo qayb galay waxaa iyana munaasibada joogey waft culimo ah oo ka socda magaalada Laascaanood oo ay kamid ahaayeen Sh Maxamuud Xalike, Sh Cabdiwaaxid Xaashi iyo culimo kale.

Dhamaan marti sharaftii madasha joogtey oo kelmedo laga siiyey wakiilo afkooda ku hadlaya ayaa u mahad celiyey reer Gol-jano oo siweyn usoo dhoweeyey iyagoo dardaarano kala duwana siiyey.

 

HALKAN KADAAWO SUUGAAN XIISA BADAN KU NASO

 

2 thoughts on “Faah faahin Shirkii La isku Arkay ee Buuhoodle Ka DHacay, Wafti Culus

  1. ASC.
    Ilaahay (swt) ninkaas dhisay dugsiga Diinigaa ha ka sawaabiyo ajarkeeda isaga iyo waalid diintiis oo dhan.Khayr iyo khayrad buu horseeday ninkaasu.Haddii 30,000-kii kun oo qof oo soomaali ah ay shan ka midu dhisilahaayeen Dugsiyo kaas oo kale ah wadankaba intiisa badan caan buu ku noqon lahaa Diinta Islaamka.

    Reply

Post Comment