DHAGEYSO: Puntland Oo Shuruud Ku Xirtay Wadahadalo Ay La Gasho Maamulka Soomaaliland

Weli waxaa taagan xisada dagaal ee u dhaxeysa Maamulada Soomaaliland iyo Puntland ka dib dagaalkii deegaanka Tukaraq,waxana ay hawada isku marinayaan hadalo sii hurinayo xiisada dagaal ee u dhaxeysa labada dhinac.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowlad goboleedka Puntland Cabdi Xersi Cali (Qarjab) oo shir Jaraa’id Warbaahinta u qabtay ayaa ka hadlay xiisada dagaal ee kala dhaxeysa Soomaaliland iyo wadahadalo la sheegayey in uu labada dhinac u socdo

Wasiirka Qarjab ayaa waxa uu sheegay in maalmahaan ay jirtay warar soo baxayay oo sheegayay in Puntland iyo Soomaaliland uu jiro wahadalo u socdo si xiisada loo qaboojiyo,waxa uuna sheegay in warkaas uusan waxba ka jirin,isla markaana Puntland wax wadahadal ay ka galeen dhulka laga heesto sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale isaga oo sii hadlayey ayaa waxa uu ugu baaqay Shacabka ku nool deegaanada Puntland in ay Ciidamada ka taageeraan dagaalka ay kula jiraan Maamulka Soomaaliland oo uu sheegay in uu yahay mid ay ku difaacayaan dhulkooda.

Sikastaba waxaa weli xiisado dagaal ay ka taagan yihiin deegaano ka tirsan gobolka Sool,weli majirto cid isku-dayday in ay xal kala dhex dhigto marka laga soo tago baaqyo kala duwan oo Warbaahinta loo marsiinayo.

7 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “DHAGEYSO: Puntland Oo Shuruud Ku Xirtay Wadahadalo Ay La Gasho Maamulka Soomaaliland

  1. Siyaasiyiinta Puntland aad ayay ugu liitaan loollanka barabagaanka ee af ka dirirka. Waxaa Qarjab iyo madaxda Puntland bahdilaad oogu filan in ay ka feejignaan waayeen magacan bugta ah ee “Somaliland” oo ay afkooda ugu qiraan sida uu yahay maamul dhab u jira. War waa labo reerood oo Isaaqa ka tirsan cidda magacan isku shaabbadeysay. Ma labo reerood ayay Puntland la siman tahay oo ay “wada hadal” la gelaysaa?

    Maxaa dadkan ka daahay garashada ah in ay marka hore afkooda ku qeexaan in aanay aqoonsanayn maamul “Somaliland” la yidhaahdo oo aanay fallaago labo reerood ku kooban Puntland gorgortan iyo wada hadal toona la geli karin oo aanay hoos u dhaca intaas la’eg mudnayn. Sharadka ugu horreeya waa in uu ahaado in fallaagada Biixi ay hadal la’aan kaga baxaan degmooyinka ay ku barjeynayaan oo ka dib ay Dawladda Federaalka iyo IGAD ba u la xaajoodaan fallaago la canaanayo ahaan si ay rabshadda u joojiyaan.

    Libinta ugu weyni waxaa laga soo hoyaa dagaal maskaxeedka sharciyada adduunka loo adeegsaday. Puntland iyo Xamar ba waa in ay marka ugu horreeya fallaagada isbahaysiga Jeclo-Awal ku la dhaqmaan heerka ay mudan yihiin ee ah labo reerood oo iskood u gadoodsan ee qaabkaas in loo hadlo ay ku habboon tahay. Laakiin haddii “Somaliland” lagu tilmaamo maqaam aanay istaahilin oo gaadhsiisnayn ayaa loo qiray oo libinta iyaga ayaa jaa qaatay.

    Reply
  2. Armaan hade wada hadalka laaydiin dhaamin oo aad nabada soo dhawaaysaan.midaa ayaa idin kugu dhaw in aad umadaa ilaah dhinac ka raacdaan.ilaayn Mar walbo tuko caambaar leh lama noqdee.

    Reply
    1. Adiga horta waad cadibantahy adoonyahow ilaahay rag iyo dumar midkaad tahyba! Hadii aad thay beesha Isaaq waaba wax laqaadan karo lkn waxaad uhadashaa sidii inaad tahay mooryaanta muqdisho. Hadba hadii sidaas eey tahay what is your problem? Isaaq iyo Daarood dhexdooda maxaa ku geliyey? Nafta ineey kaa dhacdo ayaad ku sigantahy! cajiib.

      Reply
      1. @Gabar Harti,

        Afkaaga dhayda macaan ee Ciise Dhuux iyo Nugaal afkaaga lagu qabay geesiyadda ina boqoreey.

        Kani in uu qof xun yahay waxaa laga garan karaa ‘avatar’-ka ku beegmay oo ah istalaabta kaniisadaha!

        kkkkk
        kkkk
        kkk
        kk
        k

        Reply
  3. ASC.
    Meesha muran iyo ilaaq loogama baahna ee reer soomaalilaan ha ku ekadeen dhulkooda.Reer puntlaana marna uma socdaan dhulka beesha isaaq.Tay wataan Isaaqna macquul ma aha oo ah in ay jajuubaan dad soomaali ah oo ay dhulkooda ka faro maroojiyaan.Dawlad gobaleedka Isaaq waxay ka baxday soomaalinimadii.Saas darteed lama aqbali karo in ay xoog uga saaraan soomaalinimada dad soomaalinimadu ay ku dheertahay.Ninkii isagu iskiis uga baxaya soomaalinimada wa hawl isaga u taal.Laakiin dadkaloo an i rabin baan sii ka xaysanayaa waa riyo Qayilaad.27 sano baa rag ka mida madaxda hargeeysa ay intaas oo tabinayeen aflagaado iyo han jabaado ay ku lahaayeen Daarood waan ciribtiraynaa oo garoowaan dhaafaynaa.Taasina waa hadal la iska yiri oo an laga fiirsan.

    Reply
  4. kkkkkkkkkkkk

    Nimankani waxay sugayaan inta Ciidamada Dhulbahante ee Reer Somaliland ay Ciidankooda kale kasoo horjeedsanayaan oo ay iyagu is xoreeyaan. kkkkk

    Weligiin iyo Waaqiin ayaad sugi doontaan. Qeylo iyo Faan ayay nagu wareeriyeen. Bal may mar kale isku day sameeyaan mise dhirbaaxooyinkii hore ee labada dhaban lagaga dhuftay ayay weli noo sii dhabano salaaxanayaan? kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Dagaalkii SSC lagu xoreynaayay waxa uu isku badalay afka. kkkkkkkkkkkkkkkkk

    Reply
  5. Cismaan

    Doorkan nin yahow jiq ayay xaaladu kula tahay. Ma xasuusataa markaan hore kuugu idhi niyad jab u joog ayaa tahay adigu. Meel walba ood cusku ama ciirso is tidhaahdaa inaad niyad jab horleh uun kala kulmi doonto. Puntland, Gaas, Farmaajo, Harti illaa xitaa Daarood. Imika intiiba run ayay noqdeen oo waadigaas markaad waxaad miciin bido aad garan weyday xitaa Avataradii guul ka deydeyaya.

    Habeen dhoweyd waxaan arkayay adoo lah waxa igu soo hagaagay calaamadii boqorada, Dabladridayna calaamadii ku taalay rooga uu boqorku ku dul socdo. kkkkkkk

    Waar xaar kuus kuusanina muu nagu soo hagaago. Karbaashku wuu kugu soconayaa, ama avatar ku dabo gabo ama madaxa aaso. Ama adoo daahir yaa shamis ah oo soo taagan oonu ku karbaashayno iska dafir cida ku karbaashaysa, xanuunkana dafir oo ilmada iyo oohintu yaanay kaasoo bixin marmar. kkkkkk

    Avatar baa ii hiiliyay ku lahaa. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada