DHAGAYSO WAR CUSUB: Dawladda Puntland oo fariin muhiim u dirtay Shacabka SL u dhashay ee kusugan gudaha Puntland

Maamulka Puntland ayaa fariin u diray Qoysaska, Ganacsatada, Dhalinyaradda, Macalimiinta iyo Muwaadiniin u dhashay gobalada Waqooyiga Soomaaliya ee Somaliland, kuna sugan gudaha gobalada Puntland, waxayna sheegtay in aysan jirin cid waxyeelo noocay ay tahayba u geysan karta oo ay joogaan dalkoodii Hooyo.

Hadalkaan ka soo yeeray Maamulka Puntland ayaa ku soo aadaya,xilli ay taagan tahay Xiisad u dhaxeyso Maamulada Puntland iyo Somaliland,kaasi oo xoogeeda laga dareemayo Gobolka Sool.

Sidoo kale,waxay ku soo aadeysa,iyadoo dhawaan hadal ka soo yeeray Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID,ayaa ku baaqay iney ka baxaan ardayda Puntland ka soo jeedo ee Somaliland wax kabarato.

Hal Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “DHAGAYSO WAR CUSUB: Dawladda Puntland oo fariin muhiim u dirtay Shacabka SL u dhashay ee kusugan gudaha Puntland

  1. ASC.
    Dadka u dhashay beelaha Isaaq ee hadda ku nool dhulka puntlaan waxba ugama duwana dadka reer puntlaan oo waa la xaquuq dhankastaba.Dadka reer puntlaana dhaqan iyo caado uma leh in ay dib u soo eegaan dad soomaaliyeed oo ayaga la nool oo la dada.

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada