DHAGAYSO :Xildhibaano Mooshinka Ka keenay Heshiiskii Itoobiya Iyo Xildhibaano ka Hadlay.

Qaar ka Tirsan Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya Ayaa Mooshin ka Keenay Heshiiskii Dowlada Soomaaliya Iyo dowlada Itoobiya Ku wada Galeen Magaalada Muqdisho Kadib Safarkii Raysal wasaaraha Itoobiya  uu ku Yimi caasimada Soomaaliya ee muqdisho.

Ilo Lagu Kalsoonn Yahay Ayaa Sheegaya Inay Soo Gudbiyeen Xildhibaano ka Tirsan Barlamaanka Soomaaliya Mooshinkani  oo Ay Ku Tilmaameen Inay Dekadaha Soomaaliya Si Madaxbanaan Loogu wareejiyey Dowlada Itoobiya  Iyagoona Doodooda Sal Uga Dhigay  Inaan Barlamaanka La Horkeenin Heshiska.

Xildhibaanadani oo U badan Kuwa Mucaaradka Ku Ah Siyaasada Dowlada Jirta Ayaa Sheegay Inuu Heshiiskaasi Sharci Noqonayo marka Barlamaanka Soomaaliya La Horkeeno kadibna Ansaxiyaan Barlamaanku lakiin uusan Sharci Ahayn Inay Madaxda Soomaaliya U saxeexdo Itoobiya Dekadaha.

Xildhibaan Fiqi oo ka Mid Ah Xildhibaanada Mooshinka Keenay Ayaa Sheegay Inuu yahay Heshiskani yahay Midan Sharci Ahayn Barlamaankuna Keeni Doonaan Dood Ku saabsan Heshiiskani.

Dhanka Kale Xildhibaano Ayaa Ku baaqay Inaan Heshiiskani Bulshada  Lagu Wareerin Madama Laba Dowladood kala Galeen,

Xildhibaanada ka digaya in an la siyaasadeen heshiiskaas waxaa ka mid ah Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya,kadib markii Siyaasiyiin iyo xildhibaano ay heshiiskaas si kulul uga hadleen.

Halkani Ka Dhagayso Dood Xildhibaanada

Halkaan Ku Qor Fikirkaada