DEG DEG: Puntland oo deegaanadeeda ka mamnuucday Daawashada Tv-ga Somaliland & Cidii lagu arkaa oo..

Wasaaradda Warfaafinta ee dawladda Puntland ayaa saxiixday warqad si rasmi ah loo diray maamulka Sare ee shirkada DSAT ee Puntland, taas oo gabi ahaanba lagu amray in Kanaalada shirkadas ay ka saarto Telefishinka maamulka Hargeysa ee SLTV, ka dib markii ay sidaas garowsatay dawladda Puntland.

Warqadda ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa loo geeyey DSAT, taas oo ay wararku sheegayaan in ay u hogaansatay go`aanka dawladda Puntland.

Somaliland waxay horey xayiraad ugu soo rogtay labo Tv- Soomaaliyeed oo laga leeyahay gobalka Sool, oo ay ku eedeeysay in ay tabiyaan warar ka dhan ah joogitaankooda gobalkaas.

Halkaan Ku Qor Fikirkaada