DAAWO VIDEO:Culimada hargeysa oo u jawaabey Puntland Kana Aamusay hadalkii faysal cali Waraabe.

Culimada Hargeysa Ayaa ka Hadlay  Hadaalada Jawaabaha Puntland Uga jawaabtey faysal cali waraabe oo Sheegay inay Dilaan Ardayda wax ka Barata jaamacadaha Magaalada hargeysa.

Culimadani Ayaana ka Hadal  faysal cali waraabe Weedhii Uu saxaafada ka Jeediyey halka Ay Puntland Uga Jawaabeen Inay  Ardayda Puntland isaga Baxaan Magaalada Hargeysa.

Halkani rRix Video muuqaalka

3 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “DAAWO VIDEO:Culimada hargeysa oo u jawaabey Puntland Kana Aamusay hadalkii faysal cali Waraabe.

  1. @Barwaaqo,

    Ina abti waan kaaga mahadinayaa jawaab aad xalay bog hore iigu dhaaftay. Waxaan se jeclaystay in aan qodobka aad carrabbawday ee xuduudaha Afrika ku saabsan wax dheeraad ah kaa sii wareysto.

    Ina abti, inteenan kale ee geyigan ex-BSL ku dhaqani waxaan weli inoo muuqanin oo bayaan inoogu caddayn waxa idinka Isaaq ahaan keli ahaantiin idiin muuqda ee kallifaya in aynu dalka intiisa kale ka go’no. Anigu mucaaradnimadayda aan gooni-u-goosashada lidka ugu ahay ma aha mid haba yaraato ee ku suntan nacayb aan Isaaqa u hayo sida ay dadka qaarkii u fasirteen.

    Waxaan ii caddayn sababta gaarka ah ee kallifaysa in ummaddeenan asalkeeda ba in la kala jarjaro oo qaabkaas lagu gumeysto duulaanka cad loogu yahay aynu annagu na sii kala qayb qaybinno oo gacmaheena iskugu halaagno. In abti, halista xun ee Soomaalideena kale inooga bidhaamaysa dhagarta ba’an ee Itoobiya iyo Kenya ay nagu cidhib goyn rabaan waxa idin ka daahay ayaynu amankaag la daraandarnay oo lana asqownay xaqiiqii.

    Waa la ina shirqoolayay 150 sanadood ee aynu jahawareerkan weli nagu gadaaman la daalaa dhacaynay oo qaddiyaddan kala qaybinta Soomaaliya dhagartan halista ah ayay salka ku haysaa. Annagu ummaddeena Soomaaliyeed iyo diinteeda ba bohoshaas loo qoday ku tuuri mayno oo aakhiradeena ku seegi mayno. Xuduuudo gumeysi oo bahdilaad iyo addoonsi loo xarxarriiqday waa nagu gunnimo in aynu soo cuskanno oo ceelmanno oo qiil uga dhiganno gacmaheena oo aynu isku sii halaagno.

    THIS IS A CLEAR AND PRESENT DANGER THAT WE MUST CONFRONT AND DEFEAT.

    Reply
  2. Asc wr wb. Marqaan sheekha hadalkiisa kuwa ugu wanaagsan oo waayahan aan maqlo weeye is wanaaga xumaan haka dhigina. Ahmed iyo Aarka walaal labadiina Ilaahey ka cabsada oo qabyaalada daaya Soomaali waa hal qabiil iyo hal qoys

    Reply
  3. At Wadani

    Waar anigu qabiil kuma heeso mana qabyaaladeeyo. Sisaayad ayaanse ka hadlaa. Hadaan u doodo Somaliland ma qabyaalad baan ka hadley. Adigu waxaad u doodaa in Somaliland iyo Somaaliya aanay kala tegin. Kolkaas hadaad tayda aad qabyaalad ku sheegto taadana qabyaalad ayay noqoneysaa.

    Kolkaas Cismaan u sheeg oo isaga wacdi isaga ayay Harti iyo Daarood kaga dhegtay. Isaaq iyo Dhulbahentana hadh iyo habeen caaya oo kala faqfquuqa. Haday dhexdhexaadnimadu daacad kaa tahay wacdiga u badi ninka hal qabiil kala shaandheeya oo qaarna garac iyo gun ku sheega qaarna inay malaa’ig yihiin kasoo qaada.

    Aniga sidaad doonto iigu qabso Somalilandteyda aan ku dhegenahay. Qabyaaladiiste se ha’igula soo dul kufin waxaas waan ka weynahaye.

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada