DAAWO VEDIO: Madaxweynaha Puntland oo Khudbad uu ka jeediyay furitaanka Baarlamaanka kaga hadlay arrimo muhiim ah

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad ka hor jeedinayay mudanayaasha baarlamaanka, ayaa ka hadlay arrimaha dagaalada Gobalka SOol, wuxuuna ku dhawaaqay in Laascaanood aysan aheyn LONDON.

C/wali Gaas ayaa faah faahiyay waxqabadka Maamulkiisa ayaa sheegay in horumaro badan lagu tallaabsaday.wuxuuna ku dheeraaday ka hadalka dagaalka Tukaraq ee u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

 

 

3 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “DAAWO VEDIO: Madaxweynaha Puntland oo Khudbad uu ka jeediyay furitaanka Baarlamaanka kaga hadlay arrimo muhiim ah

  1. War la qabaa xiiso ma leh. Shaxda uu Jaalle Gaas ka ciyaarayay riwaayadda uu Tukaraq ka jilayo waa mid laga wada dharegsan yahay. Dad baa se dhayalsanaya halista ku duugan turubkan uu ina Gaas dheelayo ee haddii aan laga feejignaanin Puntland jiritaankeeda tiirarka ka siibi doona.

    Halistani waa middii ugu xumayd ee lagu kala dhiman lahaa haddii aan laga taxaddarin waayo reer Sool, Sanaag iyo Cayn hiyigoodii baa la kiciyay oo ay aaminsan yihiin in gobolka Sool loo xoreyn doono. Haddii ay dhoolatus iyo khiyaano ka ahayd Villa Garoowe masiibada ka dhacda qarni dhan waa laga sheekeyn doonaa oo Muuse Biixi oo sii liicaya waxay u noqon doontaa naq lama filaan ah iyo haddiyad la guddoonsiiyay. Bal idinku u fiirsada oo dhugta.

    Reer Puntland u ma cuntami doonto ina Gaas oo afar sanadood oo dambe Villa Garoowe makhbiyad ku ah. Waxay baahi degdeg ah u qabaan nin rag ah oo fariid iyo indheergarad ah ee isbeddelka soo raagay Puntland ku tallaabin kara. Nin leh karti, fiiradheeri, han weyni iyo hufnaan hoggaamineed oo reer Puntland himilooyinka ay hiigsan jirtay dib ugu bidhaamiya oo una daaddihiya. Armuu aalkoliiste raganimo lagu asteeyay kun jeer u dhaamaa ina Gaas?

    Puntland in beelaha isku baheystay ay lahaanshaheeda iyo ka talinteeda ka siman yihiin oo una siman yihiin haddii aanay doorkan muuqanin waxay noqonaysaa hal bacaad lagu soo lisayay. Majeerteenoow tallaabadiina aad uga fiirsada waxii hadda ka dambeeya haddii kale waxii la idin ku xaman jiray baa dhaboobaya oo idinka ayaa noqon doona kuwii Hartinimada iyo Daaroodnimada bireeyay.

    Reply
    1. Aarka Sanaag, adeer waxaad tahay bisida Hargaysa waanu ku ogaanay waxba hays qarin orod meelaha cidiinu joogto ka caytan. Gaas anaguu madaxwayne noo yahay hadii uu joogayo iyo hadii uubaxaayo arin kuu taala maaha.

      Reply
  2. Aarka Sanaag, adeer waxaad tahay bisida Hargaysa waanu ku ogaanay waxba hays qarin orod meelaha cidiinu joogto ka caytan. Gaas anaguu madaxwayne noo yahay hadii uu joogayo iyo hadii uubaxaayo arin kuu taala maaha.

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada