DAAWO SAWIRADA;Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo gaaray Kismaayo & Ujeedka socdaalkiisa oo la ogaaday

Magalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland ayaa waxaa Maanta gaarey wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidamada Xoogga adlka Soomaaliya Cabduweli Jaamac Gorod.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland,iayda oo intaasi ka dib loo la geeyey Xarunta Madaxtooyada Jubbaland ee Magaalada Kismaayo.

Saacadaha nasoo aadan ayaa la filayaa in uu la kulmo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Madoobe),iyaga oo ka wada hadli doona dardar helinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale taliye Gorod ayaa waxa uu booqan doonaa Xeryaha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin Magalada Kismaayo iyo deegaanada kale si uu ugu kuurgalo xaaladooda.

Hal Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “DAAWO SAWIRADA;Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo gaaray Kismaayo & Ujeedka socdaalkiisa oo la ogaaday

  1. إلى الأمام يا وطني
    إلى الأمام يا صومالي
    ربي يحييك بعد الموت والفتن
    إلى نور الحياة وبهجة الأمن
    إلى عزك الكريم تقود بالأمم
    وتبرز في محاول كوننا سباقة الدول
    وتنشر أفقنا ريح الصبا في جودها المسك
    ربي احفظ لي بلدي واحم لي أهلي
    واجمعنا بعد الشتات وبعد ضل الهدى بزمانه المحن

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada