AKHRISO: Magacaabista Golaha Wasiirada Galmudug Oo Dib Loo Dhigay

Todobaadyadii la soo dhaafay madaxweynaha Maamulka Galmudug waxa uu waday qaban qaaabadii u dambeysay ee magacaabista Golihiisa Wasiirada qeybta Maamulka Ahkusunna ee ku biiray Galmudug.

In kastoo uu weli jiro diyaar garowga magacaabistaas ayaa hadana warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in dib loo dhigay,kadib markii codsi uu ka yimid waxgaradka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada Maamulkaas.

Weli waxaa taagan khilaafka soo kala dhexgalay madaxda sare ee Galmudug kuwaas oo haatan kala degan magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb taas oo keentay dib u dhaca Magacaabista Golaha Wasiirada Galmudug.

Wararka ay Dalsan heleyso ayaa waxa ay sheegayaan in madaxweyne Xaaf uu aqbalay codsiga odayaasha iyo siyaasiyiinta,walow weli aysan jirin cid waan waan ka dhex wada madaxda iskhilaafsan ee Galmudug.

Hal Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “AKHRISO: Magacaabista Golaha Wasiirada Galmudug Oo Dib Loo Dhigay

  1. BAAFIN BAAFIN BAAFIN……….Mooryaanki watay magaci wadanki uu Burburburiyey ee ”’ SOMALI ”’

    War kaalay Dadkaad ka dhalatay Heshiisii oo Xal U Doon intaad Isaaq u Naageynaysid. Kaalay iljeex kala dhexgal oo kala Qabo…..Mooryaan yaa isu keeni kara.

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada