AKHRISO: Madaxweynaha Puntland Oo Xilalkii Ka Qaaday Taliyayaal

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13 June 2018 xafiiskiisa ka soo saaray wareegto uu xilkii kaga qaaday Agaasimayaasha Hay’adaha PSS iyo PIA.

Xeer Madaxweyne Lr. 71 June 13 2018, kuna saabsan Xilka Qaadid Agaasimayaasha Hay’adaha PSS iyo PIA.

Madaxweynaha Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Puntland.

Markuu arkay: Muhiimadda ay leeyihiin Hay’adaha amniga.

Markuu tixgaliyey: Talo soojeedinta Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta

Wuxuu Xeeriyey:

1.Wuxuu Xilkii Agaasimaha Guud ee Hay’ada PIA ka qaaday Cabdirsaaq Ciise Xuseen (Khaatumo).

Wuxuu Xilkii Agaasimaha Guud ee Hay’ada PSS ka qaaday Cabdulaahi Aadan Maxamed (Cabdulaahi Ulle).

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=

Hal Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “AKHRISO: Madaxweynaha Puntland Oo Xilalkii Ka Qaaday Taliyayaal

  1. Dear Marqaan News Management,

    Greetings people. I congratulate you for the upgraded website design with avatars which looks quite nice. However, we wish to bring to your attention that there is an unbearably long delay in readers’ posts appearing in the comments section.

    We would deeply appreciate it if you could fix this problem at your earliest convenience. The delay is sometimes hours long, which is a huge inconvenence to those of us who would like to exchange views or debate online.

    Yours Faithfully,

    Cismaan Basbaas

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada